Xildhibaan C/naasir Qodax Oo Biyo Gaadhsiiyay Dadka Abaartu Saamaysay

0
1057

Salaxley (Dawan): Xildhibaan C/naasir Qodax, oo ka tirsan mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maalintii labaad caawiyo biyo ah ka qaybiyay deegaamo ka tirsan degmadda Salaxley ee gobolka Maroodijeex.

Caawimadaasi oo dhamayd 35 Booyadood oo biyo ah ayuu xildhibaan C/naasir Qodax, u qaybiyay dadka ay abaartu saamaysay ee deegaamadda dhinaca Hawdka kaga began degmadda Salaxley.

Xildhibaan C/naasir Qodax, oo ka warbixinayay caawimadaasi biyaha ah ee uu dadka tabaalaysan u qaybiyay waxa uu yidhi, “Alxamdu li laah, waxaanu mar labaad shalay soo qaybinay 35 Booyadood oo biyo ah, oo aanu u qaybinay 16-ban tuullo.

ILLAAHAY SWT waxaan ka baryayaa inuu Abaarta inaga soo furto, intii ka qay qaadatay na ILLAAHAY SWT wax khayr qaba ha ugu bedelo”.

Geesta kale xildhibaan Qodax, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland iyo dadka ganacsatadda tujaarta ahba in ay xil weyn iska saaraan sidii ay u caawin lahaayeen bulshadda ay abaartu saamaysay.

“Walalayaal waxaan idiin soo jideeniyaa maanta qof kasta oo wax bixin kara inuu dadkiisa u gar-gaaro oo uu wax gaadhsiiyo, inuu ku caawiyo.
Dawlada na, waxaan farayaa in ay xil gooni ah iska saarto dadka tabaalaysan ee Abaartu saamaysay, meel kasta oo ay joogaan ba” ayuu ku yidhi qoraal kooban oo uu xildhibaan Qodax ku baahiyay bartiisa facebook.

Leave a Reply