Xukuumadda Somaliland oo war cusub soo saartay dagaalka Ukraine

0
435

Hargeysa (Dawan)  Xukuumadda Somaliland ayaa nabad ugu baaqday dhinacyada dagaalku ku dhexmarayo dalka Ukraine, iyadoo dhinaca kalena u ducaysay dadka reer Ukraine.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa qoraal uu ku qoray bartiisa Twitterka, waxa uu nabad ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Ukraine, isagoo sheegay in uu rajaynayo in xal nabadeed la gaadho.

Wasiir Kayd waxa uu yidhi.”Iyadoo xaalada Ukraine ay kasii darayso, Jamhuuriyada Somaliland waxay ku baaqaysaa nabad, waxaanu wadaynaa in aanu u ducayno dadka reer Ukraine, waxaanu rajaynaynaa in lagaadho xal nabadeed”

Wasiir Kayd ayaa dhinaaca kale, ardayda reer Somaliland ee wax ka barata dalka Ukraine ugu baaqay in ay la xidhiidhaan xafiiska Somaliland ee dalka Finland.

Leave a Reply