Wakhtiyo Ay Dadku Isku Mawqif Noqdaan!

0
600

Dayuurad ay leedahay Shirkadda EasyJet duulimaadka flight EZY9958 oo ka duulaysay Madaarka malago ee spain iyadoo ku sii jeeda dalka Ingiriiska ayuu duuliyuhu ogaaday in labada mishiin ee dayuuradda uu midkood xun yahay, sidaas darteed wuxu rakaabkii usoo bandhigay inay ka doortaan in dayuuradda ku duuliyo halka mishiinka. Waxaana uu u sheegay in haddii uu sidaasi ku duuliyo ay badbaadi karaan 50%.

Waxa kale oo uu u cadeeyay haddii duulimaadku baaqdo in 40 saacadood ay qaadan doonto.  Markii duuliyuhu  uu siiyay rakaabka qorshahaasi cabsida leh, Rakaabkii ayaa dayuurada si dhakhso ah uga soo wada degay iyagoo ka cabsi qabay in uu duuliyuhu go’aan iska gaadho oo uu duuliyo hawadana iska galo. Wakhtiyadan cabsida dadku waxa ay noqdaan kuwo isku wada mawqif ah iyadoo qof kasta ku fikirayo inuu isbadbaadiyo.

Leave a Reply