Wasiirka Macdanta oo  furay kulanka horumarinta Aagga Korontada ee Somaliland.

0
252

Hargeysa (Dawan)  – Kulankan ayay kasoo qayb galeen shirkadaha bixiya adeegga korontada waxaana lagu qaadnayay tabobar ku saabsan adeegga korontada ee Bulshada, tabobarkaas oo ay bixinayso khubarro ka socda mashruuca Afrika Power, oo ah mashruuc lagu horumarinyo Somaliland, gaar ahaan meelaha ka fog magaalooyinka.

Agaasimaha waaxda Tamarta ee Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta ee Somaliland Liibaan Maxamed Maxamuud iyo Wasiirka Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta ee Somaliland Cabdilaahi Faarax Cabdi oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in tabobarkani uu muhiim u yahay xirfadlayaasha korontada iyo tamarta qaranka iyo guud ahaan shirkadaha iyo haya’daha ka shaqeeya.

Iyagoo xusay in lagu baran doono tabobarkan qaybaha kala duwan ee ay tamartu ka kooban tahay iyo curinteeda. Waxaana ay tilmaameen in tabobarkani uu yahay qaybtii hore ee dedaallo ay ugu talogaleen in kor loogu qaado fahanka korontada iyo tamarta ee bulshada Somaliland.

Gebogebadii, waxay ku booriyeen dhammaan ka fa’ideystayaasha inay korodhsadaan aqoonta tamarta iyo korontada ee ay bixinayaan khubarradu.

Warka wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa kulan lagaga hadlayey xaallada abaareed ee lasoo gudboonaatay goobaha waxbarsho la qaatay hay’ada caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin.

Kulankaas ayaa waxa lagaga hadlay xaaladaha la soo gudboonaaday goobaha waxbarashada, maadaama ooay dalka ka jiaan abaaro. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada Somaliland Cabdixakiin Siciid Bustaale ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadu ay kullan la yeelatay hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin.

Ugu damabayn wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa sheegay in talaabooyinka hadda la qaadayo ay ka mid tahay in hal milyan iyo boqol kun oo dollar kaas oo mashruuca loo yaqaan G.B.E, kaas oo ahaa mashruuc ay fulinaysay hay’adda Save the children, kuna saabsanaa mashaariic dhanka horumarinta waxbarashada guud ee dalka ay wasaaradda waxbarashaadu kaga qayb qaadato gudmadka abaaraha ee meelaha ay iskuuladu ka xidhmayaan.

Waxa kale oo wasiirku sheegay in hay’adda Care ay gurmad biyo dhaamin ah ka samayn doonto 267 iskuul oo ka mid ahaa iskuulada ay dhanka waxbarashada ay ka taageerto, halka Unicef 69 iskuul waxay gaadhsiin doontaa taageero.

Leave a Reply