Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo Tababar Axkaamta Islaamka ee Garsoorka u Xidhay Garsooreyaal

0
233

Hargeysa-(Dawan):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa tababar la xidhiidhay axkaamta Islaamka ee Garsoorka iyo xeerarka Madaniga & Ciqaabta u soo xidhay xubno ka tirsan Garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dr. Adan oo uu wehelinayay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, ayaa shalay tababar u soo xidhay 37 Garsoore oo ka kala socday heerarka Maxkamadaha Gobolka Maroodi-jeex, Gabilay iyo Hawd.

Tababarka oo ku qotomay nidaamka dacwadaha loo raaco, anshaxa suuban ee laga rabo qofka garsooraha iyo hab-raacyada muhiimka ah ee waajibka ay tahay in ay dhugmo u yeeshaan garsoorayaashu. Garsoorayaasha ka soo qayb galay tababarka ayay u ahayd fursad ay ku soo bandhigaan arrimaha ay tabayaan, waxaanay is waydaarsadeen dhexdoodu aqoon iyo waaya-aragnimo sal-balaadhan, halka ay si mug leh uga faa’iidaysteen khubaradii bixinaysay tababarka, oo soo diyaariyay duruus kala duwan oo hal-bawle u ah hawlaha garsoorka.

Waxa tababarka diiradda loogu saaray Axkaamta Islaamka ee ku taxaluqda garsoorka iyo Xeerarka Madaniga iyo Ciqaabta, waxaanay xeel-dheerayaashu la waddaageen garsoorayaasha arrimo badan oo laf-dhabar u ah geedi-socodka dacwadaha iyo hufnaanta shaqo ee garsooraha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, oo ka mid ahaa barayaasha hagayay tababarka ayaa kula dardaarmay garsoorayaasha tababarka ka soo qayb galay inay shaqadooda ku dabaqaan duruusta ay korodhsadeen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dr. Aadan Xaaji Cali Axmed oo tababarka u soo xidhay xubnaha garsoorayaasha ah, ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay aqoon korodhsiga iyo in qofka garsooraha ahi wakhtigiisa firaaqada ah uga faa’iidaysto korodhsiga cilmiga, isagoo markiisa horaba ay aqoontiisu dhisan tahay, haddana aanu ka daalin in uu maalin walba bog cusub furto si uu martaba sare u gaadho bulshadana ugu anfaco. Waxaanu ku booriyay in ay u sii gudbiyaan xubnaha aan fursada u helin tababarka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa tibaaxay in ay sii wadayaan tababarada iyo aqoon-is-waydaarsiga si garsoorayaasha dhexdoodu u kala faa’iidaystaan una kala korodhsadaan waayo-aragnimada iyo khibrada ay is dheeryihiin, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay sare u qaadi doonaan tababarada laga fulinayo gobolada iyo degmooyinka dalka kuwaasi  oo diirada lagu saarayo mawduucyada haddba muhiimka loo arko.

Gaba-gabadii waxa uu guddoomiyuhu guddoonsiiyay shahaadooyin xubnihii garsoorayaasha ahaa ee muddada lixda cisho ahayd tababarku u socday, waxaanu kula dardaarmay in ay sii kordhiyaan gudashada waajibaadka ay bulshada u hayaan.

 

 

Leave a Reply