Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay Somaliland ugu hanjabtay dagaal

0
263

Hargeysa (Dawan)  – Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, oo ka jawaabay cambaaraynta ay dowlada Soomaaliya iyo Shiinuhu u jeedinayaan, xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, ayaa sheegay in Somaliland aanay cidna ku qasbi karin waxaanay doonayn, isaga oo xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay dagaal ku hanjabtay.

Madaxweynaha ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay dagaal Somaliland kusoo qaado markasta oo ay Somaliland talaabo hore u qaado.

Waxaanu yidhi.”Waad la socotaan qoladaa aynu marka hore isku dowlada ahayn ee Xamar ka talisa, marka Somaliland inyar oo horumar ah gaadhaba dagaalka ugu badan ayay qaadaan”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay Somaliland ugu hanjabtay in ay dagaal ku qaadayso, xidhiidhka ay Taiwan la samaysay awgeed.

Waxaanu yidhi.”Shalay waad arkayseen saddexda waraysi ee ay isdaba dhigeen, safiirka Washington u jooga warbixintu bixiyay waad maqlaysen, ee ah waanu la dagaalamayna sidaa Ukraine, ayaanu gacan u qaadanynaa waa goosasho”

Madaxweynaha oo ka jawaabay isbahaysiga dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya, ay ku doonayaan, in ay ku horistaagaan xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, ayaa sheegay in Somaliland aanay cidina ku qasbi karin waxanay doonayn.

Waxaanu yidhi.”Wasiirkii arrimaha dibada ayaa isna waxaa Shiinaha kala hadlayay, Shiinuhu isago wasiir ku xigeen koodii socdo ayay noo yimaadeen oo aanu ku nidhi hadana ku leenahay cidina luqunta na qaban mayso, oo waxaanaan doonayn noo tilmaami mayso”

Dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya, ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in ay ku wiiqaan xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, oo ah laba jamhuuriyadood oo aan aqoonsi haysan.

Xidhiidhkooda oo soo shaac’baxay sannadkii 2020, ayaa ka cadhaysiiyay Shiinaha iyo Soomaaliya, oo labaduba aaminsan yihiin in Somaliland iyo Taiwan ay dalalkooda ka mid yihiin.

Leave a Reply