Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in wada’hadaladii Somaliland iyo  Soomaaliya ay guuldaraysteen

0
236

Washington DC (Dawan)  – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay magaalada Washington, ayaa sheegay in wada’haladadii Somaliland iyo Soomaaliya ay ka dhanka dowlada Soomaaliya ka socon waayen, isla markaana aan rajo laga qabin in guul laga gaadho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in intii ay wada’hadaladu socdeen ay dowlada Soomaaliya ku guuldaraysatay in ay ixtiraamto, heshiisyadii shirkii London oo ahaa in loo wada’hadlo sidii laba dowladood oo siman, isla markaana aanay qodobkaa marnaba dib u eegin.

Waxaanu yidhi.”Qodobka ugu muhiimsanaa ee khilaafka oo ahaa ‘meeqaamka Somaliland’, waxay ahayd in la xaliyo oo lasoo celiyo, kadib 9 wareeg oo wadahadalo ah oo u dhexeeyay 2012 ilaa 2022, qodobkii khilaafka ee ahaa ‘meeqaamka Somaliland’ marna lagama garaabin”

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay muujisay in aanay haba yaraate wax xiiso ah u haynin wadahadalo midho dhala mudadii ay wadahadaladu socdeen “10 kan sanno Soomaliya waxay soo bandhigtay in aanay gabi ahaanba wax xiiso ah u haynin wadahadalo macno leh”.

Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya, ay halkii ay ka horumarin lahayd wadahadalada ay isticmaaashay, siyaasad lagu wax yeelaynayo Somaliland  “Soomaaliya taa badal keeda waxay is ticmashay siyaasado Somaliland lagu wiiqayo oo qalalaase lagu galinayo”.

Madaxweynaha ayaa ku andacooday in anay jirin sabab loo sii wado wadahadlada, “Madama oo wadahadaladii anay samayn wax horumar ah 10 kaa sano, Somaliland waxay rumaysantahay, in wadahadaladii ay ku guuldaraysteen in ay gaadhaan ujeedooyinkii laga lahaa, mana jirto rajo laga qabo in ay guulaystaan”.

Waxa uu sheegay in halkii wadahadalada ay ku badali doonaan, in ay dadaal ku bixiyaan in ay caalamka xidhiidh la yeeshaan oo ay albaab walba garaacaan.

Leave a Reply