Madaxweynaha Somaliland oo u mahadceliyay xildhibaanada Kongaraska Maraykanka

0
286

Washinton DC. (Dawan)  – Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa u mahadceliyay xildhibaannada katirsan Kongaraska Maraykanka, ee dowlada Maraykanka usoo jeediyay in ay iskaashi la yeelato Somaliland.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka, ugu mahadnaqay xildhibaanada 9 ka ah ee xoghayaha arrimaha Dibbada Maraykanka Antony Blinken u gudbiyay waraaqda ay ku dalbanayaan in Maraykanku uu Somaliland la yeesho iskaashi dibulumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni oo buuxa.

Waxaanu yidhi.”Waad mahadsan tahay Michael McCaul iyo xubnaha kale ee guddida arrimaha dibbada, waraaqda aad u gudbiseen Antony Blinken, idinkoo maamulka Biden ku boorinaya, in uu kordhiyo oo uu xoojiyo wada shaqaynta uu Somaliland kala leeyahay, arrimaha dibilumaasiyada, dhaqaalaha iyo danaha amaanka”

Soojeedinta xildhibaannada ayaa timid kadib markii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu maalintii Isniinta machadka siyaasada ee Heritage Foundation ka jeediyay khudbad loogu magac dhigay “Balan qaadka wayn ee xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka”.

Khudbadaasi oo uu sidookale si faah faahsan ugaga hadlay qadiyada aqoonsi raadinta Somaliland.

Xildhibaano badan oo taageera qadiyada jiritaanka Taiwan oo 9 kan xildhibaan ay kamid yihiin ayaa la rajaynaya, in ay dowlada Maraykanka ku riixaan in ay xidhiidh la yeelato Somaliland, dhinaca kale madaxweyne Muuse Biixi ayaa la kulmi doona Kongaraska Maraykanka, sida uu sheegay wakiilka Somaliland ee Washington.

Leave a Reply