Bangiga Horumarinta Afrika oo $32.8 oo bilyan u qoondeeyay mashaariicda Afrika

0
394

Hargeysa (Dawan) Bangiga Horumarinta Afrika ee AfDB ayaa xaqiijiyay lacag dhan 32.8 bilyan oo doolar oo lagu maalgelinayo mashaariicda qaaradda Afrika, sida uu guddoomiyaha bangigaas ka sheegay xidhitaanka shir uu la yeeshay maalgashadayaasha.

Heshiiskii ugu weynaa ee lagu xaqiijiyey Madasha Maalgashiga Afrika oo saddex maalmood socotay ayaa ahaa $15.6 bilyan oo doollarka oo loogu talagalay waddada isku xidha Lagos iyo Abidjan, taas oo isku xidha Galbeedka Afrika ee labada magaalo ee waa weyn ee dalalka Nigeria iyo Ivory Coast, sida uu Khamiistii sheegay guddoomiyaha AfDB Akinwumi Adesina.

Waddadan oo qiyaastii 1,200 kiilo mitir ah waxay yeelan doontaa afar ilaa lix haad, iyada oo lagu dhammeeyn doono qiyaastii lix sano gudahood.

“Afrika waa qaarad aad looga faa’iidi karo, waxaan soo marnay waqtiyo adag sababo la xidhiidha COVID-19, balse hadda waxaan ku jirnaa soo kabasho, Afrika waxay u soo noqotay maalgashi.” ayuu yidhi Adesina.

Mashaariicdan, waxaa sidoo kale qayb ka ah horumarinta beeralayda, wax soo saarka beeraha, waxbarashada, tamarta, daryeelka caafimaadka, macdanta iyo tignoolajiyada isgaarsiinta.

Reuters.

Leave a Reply