Golaha wasiiradda Somaliland oo isku raacay Xoojinta Abniga dalka.

0
449

Hargeysa (Dawan) Golaha wasiiradda Somaliland, ayaa manta  isku raacay in guud ahaanba la xoojiyo  amniga dalka, ciidamada kala duwan ee dalka iyo shacabkana waxa uu ku boorriyey inay laban-laabaan adkaynta amniga.

Dhanka kale waxa ay soo u jeediyeen dadka muxsiniinta ah iyo guud ahaanba shacbiga reer Somaliland inay ka qayb-qaataan hawlaha qaran ee gurmadka abaaraha, bulshadana la taakuleeyo.

Waxa shirku   uu bogaadiyey guulaha taariikhiga ah ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee booqashada shaqo ku joogay waddanka Maraykanka usoo hooyeen dalka iyo kulamadii midho-dhalka ahaa ee ay la yeesheen hay’adaha kala duwan ee dawladda maraykan iyo Diblomaasiyiinta.

Sidoo kale, goluhu waxa uu warbixin la xidhiidha amniga guud ee dalka  ka dhegaystay wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka gobollada iyo degmooyinka, Mudane Cabdinaasir Caydiid, isaga oo xusay in sugidda amniga dalku meel wanaagsan marayso.

Dhinaca  kale, waxa uu goluhu warbixin dheer oo ku saabsan xaaladda abaarta ee dalka ka jirta ka dhegaystay wasiirka wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed oo kamid ah guddida gurmadka abaaraha, waxana uu ku dheeraaday tallaabooyinka muuqda ee ay guddida ahaan u qaadeen sidii dadka iyo duunyada abaaruhu saameeyeen loo gaadhsiin lahaa baad iyo biyoba, isaga oo golaha u sharraxay qorshaha wejiga Afraad ee gurmadka abaarta iyo tallaabooyinka ay xukuumaddu qaadi doonto.

Waxaana sidan laga sheegay shirkii 89aad ee golaha wasiiradda oo uu  shirguddoominayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa  maanta ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada JSL, waxana diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo muhiim ah.

 

 

Leave a Reply