Shaqadii Iyo Maamulkii Xumaa Ayaa Guusha Gaadhsiiyay!

0
254

Maalqabeenka Mark Cuban wuxuu ku soo jeeda qoys xoogsato ah oo degenaa  Pittsburgh ee Maraykanka mana ahayn nin taajir oo maalqabeen ah markii hore. Wakhtigii uu ka qalin jabiyay Jaamacadda Indiana 1981 ee dalka Maraykanka, wuxuu shaqo ka helay shirkad iibisa barnaamjiyada computerka, inkasta oo markii danbe laga eryay.

Cuban oo markii shaqada laga eryay uga waramay  xarunta warbaahinta ee Arianna Global Podcast,  ayaa yidhi “ Anigu marna ma iloobi doon maamulihii shaqada iga eryay, wayo waxaan ka bartay inuu jiro maamule dib u soocd ah, xaqiiq wuxu ahaa hage dib u socod ah”mentor reverse”.  Waxa lagu eryay ka dib markii uu maalin keliya furi waayay dukaanka isagoo ku mashquulsanaa macmiil muhiim ah. Inkasta oo Mark Cuba ka codsaday in aanu shaqada ka eryin, haddana maamulaha Michel waxba kama aqblin sidaasi auu shaqadii kaga tegay.

Halkaasi ayuu ka bilaabay fikirka abuuridad shaqo isaga u gaar ah oo ahayd dukaanka Microslution, muddo yar ka dibna waa uu xoogsatay ganacsigiisu. Wakhtigan 2018 , maalqabeenada ayuu ka mid yahay isagoo hantidiisa lagu qiyaasay hanti dhan $ 2.4 Billion doller. Sawirku waa labada wakhti maalintii shaqada laga eryay iyo markii uu hantida yeeshay.

Leave a Reply