Xafiisyo lagu kordhinayo Maxkamadaha Degmada Burco iyo Racfaanka Gobolka Togdheer oo maanta la Dhagax-dhigay

0
344

Burco (Dawan) Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Togdheer Sheekh Barkhad Isaaq Bare oo ay wehelinayaan Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Cabdilaahi Nafaqo, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer Cabdilaahi Axmed, Xeer ilaaliyaha Gobolka Togdheer Jaamac Ducaale, Maayar ku xigeenka Degmada Burco Mukhtaar Baaryare, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer Axmed Maxamed, Taliyaha Ciidanka Asluubta gobolka Togdheer Jaamac Baadi, Sharmaarke Yuusuf Agaasimaha Maxkamadaha Guurguura, Ijineer Caydaruus Maxamed oo ka socday Hay’adda UNDP iyo Ismahaan Jaamac oo ka socotay shirkada TAYOFO oo ku guulaysatay qandaraaska dhismaha ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha todoba (7) Xafiis oo lagu xoojinayo Maxkamadaha Degmada Burco iyo Racfaanka Gobolka Togdheer.

Dhismayaashan oo ay maalgalisay hay’adda UNDP ayay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland u astaysay Maxkamadaha Gobolka Togdheer oo baahi weyn u qabay in la kordhiyo dhismayaasha iyo xafiisyada ay ku hawl-galayaan garsoorayaasha gobolkaasi, waxa xusid mudan in culays badani haystay garsoorayaasha iyo hawl-wadeenada kale ee ka hawl-gala Maxkamadaha gobolka Togdheer gaar ahaan kuwa ku yaala magaalada Burco taasi oo sida uu guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Togdheer Sheekh Barkhad Isaaq Bare xusay sababi jirtay in afar-afar garsoore mararka qaar hal xafiis iska daba sugi jireen, si ay ugu adeegaan muwaadiniinta u baahan in loo fuliyo adeega cadaaladeed ee ay xaqa u leeyihiin. Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ee munaasibada dhagax dhiga tobadan xafiis ka soo qayb galay ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay u leedahay arrintani iyo sida ay u buuxin doonto kaalin la tabayay.

Dhismaha xafiisyadan oo lasoo mariyay guddida qandaraasyada qaranka ayaa shirkada ku guulaysatay loo qabtay in ay ku dhamaystirto muddo saddex bilood ah, waxaana isla maalmaha bishan ka hadhsan la bilaabi doonaa dhismihii si loo dardargaliyo, qaybna uga noqdaan dedaalada lagu dadajinayo dacwadaha lagagana hortagayo in ay dacwaduhu jiitamaan.

Leave a Reply