“Anigu nin xil jecel ma’ihi bulshadeyduna way I taqaana”Duqa caasimada Hargeysa

0
470

Hargeysa (Dawan) Duqa caasimada Hargeysa, mudane Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay in aanu xusul duub ugu jirin sidii uu xil ugu raadsanlahaa dadka masiibadu ku dhacday ee hantidoodii ku waayay dabkii suuqa Waaheen ka kacay habeennimadii Jimcaha, waxaanu tilmaamay in ciddii masuul uga noqonaysa dib u dhiska suuqa Waaheen iyo hawlihiisa loo wada siman yahay.

Sidoo kale waxa uu sheegay haddii ay ku qabsato in uu bulshadiisa dhul xaadhe u noqdo in uu u noqonayo.

Waxaanu yidhi.“Anigu nin xil jecel ma’ihi Somaliland’na dadka jooga kuwa xilka ka carara Ayaan kow ka ahay, musharaxnimadii golaha degaanka ee aan u sharaxna iyo maayirnimaduna cidna furata ayaanu waynay.

Waxa aan rabay in aan cid kale dhiso, aniguna ma’ihi ka guddi la magacaabay darajo ku doonaya xilligan lagu  jirina nin garanayabaan ahay.”

Waxa uu intaas ku daray haddii ay ku qabsato in uu dhul xaadhe u noqdo bulshadiisa in uu u noqonayo. “Anigu waxaan bulshadeyda ugu bushaareynaya una sheegayaa, una balanqaadaya, haddii ay igu qabsato in aan u noqdo dhul xaadhe, waxaan u ahaanaya dhul xaadhe, qof waliba masuuliyada la saaro uunbay tahay in uu guto, hawshani la hayana waxa guddoomiye u ah oo aanu u daba fadhina wasiirka diinta iyo aw qaafta.

Ma jirto meel aan cidna ku abaabulay, ololena maaha, waxaan ahay nin garanaya maalintii uu kaanbaynka ku jiray wakhtiga uu ahaa manta oo uu masuul yahayna wakhtigeeda garanaya, ayaamuhuna u kala soocan yihiin, maantana maalin xil la kala doono maaha, madaxweynaha, maayirka, wasiirada iyo waaxaha shaqaalaha hawshani waa loo siman yahay”

Leave a Reply