Xukuumada Somaliland oo ka hadashay lacagta ay dowlada Soomaaliya ku taageerayso

0
618

Hargeysa (Dawan)  Xukuumadda Somaliland, ayaa dowlada iyo ganacsatada Soomaaliya uga mahadcelisay, lacagta ay kaga qayb qaadanayaan dib u dhiska suuqa Waaheen, sidoo kale waxay ay sheegtay in lacagta 11 ka milyan ah ay Somaliland lahayd.

Wasiirka wasaarada horumarinta Qorshaynta Qaranka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi Badde, ayaa sheegay in  dowlada iyo ganacsatada Soomaaliya uga mahadceliyay qaadhaanka ay kaga qayb qaadanayaan dib u yagleelida suuqa Waaheen ee Hargaysa.

Waxaanu yidhi.”Soomaaliya waanu uga mahadcelinaynaa in ay dareenkaa muujiyeen iyo in ay ku yabooheen, iyo 3 milyan oo ay yidhaahdeen waxa laga bixinayaa miisaaniyada, waxa kale oo aanu u mahadcelinaynaa ganacsatadooda oo 2 milyan oo dollar arrintaa kaga qayb qaadanaya”

Wasiirka ayaa dhinaca kale, dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay siyaasadaysay deeqaha caalamku ugu talo galay Somaliland, waxaanu sheegay in lacagta 11 ka milyan ah ee raysal wasaare Rooble sheegay in uu Somaliland u fasaxayo ay ahayd lacag Somaliland lahayd.

Waxaanu intaas raaciyay.”Balse, waxaa la yaaab leh in Soomaaliya, ay siyaasadayso deeqihii, oo ay kamid tahay lacagta 11 milyan ee dollar ah, shacabka reer Somaliland waxan u sheegaynaa lacagtaa inaga ayaa lahayn, lacagtaa Soomaaliya ma lahayn, waxay kamid ahayd kabka miisaaniyada ee Bangiga Adduunku ugu deeqay wixii laysku odhan jiray Soomaaliya, arrintaasi oo ay carqaladeeyeen, inay Somaliland hesho,”

Wasiirka ayaa sheegay in ka Somaliland ahaan ay aaminsanyihiin in Bangiga Adduunku uu dowlada Soomaaliya culays ku saaray in ay lacagtan Somaliland ku wareejiso, burburka ka dhashay dabkii qabsaday suuqa Waaheen ee Hargaysa awgeed.

“Waxaan aaminsanahay hadda culayska uu keenay dhaqaale burburka, suuqa gubtay ayay beesha caalamku culays ku saartay dawladda Soomaaliya, gaar ahaan bangiga adduunku in lacagta Somaliland lagu wareejiyo, taasi ayaanu aaaminsanahay,”Ayuu yidhi wasiir Cumar.

 

Leave a Reply