“Dadka qaar imika waxtar kama hadlaan, ee waxyeelayn ayay ka hadlan”Wasiirka arrimaha gudaha

0
480

Hargeysa (Dawan)  –  Wasiirka wasaaradda arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ka hadlayay hawlgal lagu nadiifinayo suuqii Waaheen ee gubtay, ayaa sheegay in loo baahan yahay in gacmaha laysku qabsado hawsha, isagoo sheegay in ay jiraan dad waxyeelaynaya shaqada.

Wasiirka ayaa sheegay in marka lagu jiro wakhtiyada ay dhacaan masiibooyinka caynkan oo kale ah, loo baahan yahay in awooda laysku wada geeyo, waxaanu xusay in ay jiraan dad waxyeelaynaya habsami u socodka shaqada, oo hadalo aan fiicnayn ku hadlaya.

Waxaanu yidhi.”Qaran marka dhibaato caynkan oo kale ahi ku dhacdo wixiisa ayuu isku wada geeyaa, dadka qaar imika waxtar kama hadlaane, wax wax yeelaynaya ayay ka hadlaan arrintan aynu gacanta ku hayno, ninkii markaa waxyeelaynta ka hadlaya waa yeelkadiisa oo waxkhti uma hayno”

Wasiirka oo u muuqday in uu la hadlayo axsaabta mucaaradka Somaliland, oo iyagu doodo ka keenay cidda leh masuuliyada dib u dhiska suuqa Waaheen, ayaa sheegay in loo baahan yahay in layska iloobo kala duwanaanshaha afkaarta oo hawsha la wada qabto, isla markaana meel loo wada socdo.

Kaahin ayaa sidoo kale saxaafada usoo jeediyay in aanay bulshada usoo gudbin, hadalada xanafta leh, ee aan ku haboonayn wakhtiga lagu jiro.

Suuqa Waaheen ee magaalada Hargaysa, ayaa maanta laga bilaabay shaqo dib loogu nadiifinayo, kadib markii uu gabi ahaanba gubtay 1, April, 2022, waxaana gabi ahaanba suuqa meesha ka saaray dab socday muddo ku dhow 30 saacadood.

Leave a Reply