UK: Sharci 14 Sannadood Ku Xukumaya Suxufiga Baahiya Wararka Dhaawaca Ammaanka iyo Wadajirka Bulshada

0
278

London (Dawan) Xukuumada Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inay diyaarinayso sharci uu xabsi ku mutaysanayo suxufiga baahiya wararka dhaawacaya amaanka & wadajirka bulshada, isla markaana, wararka iyo warbixinaha fadeexada ku ah dawladda UK baahintooda ayaa la saadaalinayaa in suxufiyiintu ku keeni doono xabsiga gaadhaya 14 sannadood iyadoo la raacayo hindise lagu beddelayo sharciga sirta rasmiga ah, sida la ogaaday.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa la sheegay inay waddo la tashi ku saabsan wad ka bedelka sharcigii 1989, si loogu xisaabtamo  isbeddellada sida muuqaalka dhijitaalka ah.

Hindisaha xukuumada UK ayaa soo jeedinaysa in suxufiyiinta baahiya dukumeentiyada xogo xasaasi ah xambaarsan, loola dhaqmo si la mid ah sida dadka xogta faafiya, ama dadka galay dambiyada basaasnimada. Xukunka ugu badan ee lagu ridayo suxufiyiinta kiisaskaa arrimaha danta guud lagu helo ayaa muteysan kara xabsi gaadhaya 14 sanno.

Xukuumada Ingiriiska ayaa sheegtay in sharcigan cusub aanu  khatar gelinaynin wariyeyaasha, oo ay “xor u ahaan doonaan in ay la xisaabtamaan Dowladda”.

Hindisaha sharciga cusub oo warbaahinta dalka Ingiriisku wax ka qoreen dabayaaqadii 2021, ila markaana weli aan la keenin baarlamaanka, ayaa xafiiska Arrimaha Gudaha UK sheegay inuu dhigayo: “Xoriyada saxaafaddu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah hababka dimuqraadiyadda UK, si la mid ah awoodda shakhsiyaadka si ay u sheegaan oo ay ula xisaabtamaan ururada, marka ay jiraan eedeymo culus oo khalad ah.

Si kastaba ha ahaatee, waa in la isku dheelitiraa ilaalinta macluumaadka rasmiga ah (oo ay ku jiraan macluumaadka amniga qaranka), halkaas oo tanaasulkeedu uu wax u dhimi karo UK, muwaadiniinteeda ama danaha, marka la eego shaacinta sharci darrada ah iyo/ama daabacaaddaha dukumentiyada xasaasiga ah, oo ku keeni kartaa dhaawac halis amaanka iyo wadajirka bulshada.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa yidhi: “Xorriyada saxaafaddu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah geeddi-socodyada dimuqraadiyadeed ee Boqortooyada Midowday, dawladdana waxa ka go’an inay ilaaliso xuquuqda iyo qiyamka aynu ku faano.

“Waa khalad in la sheego hindise-sharciyeedka ayaa saxafiyiinta gelinaya khatar in loola dhaqmo sida basaasiinta, waxayna si sax ah u ahaan doonaan kuwo xor u ah inay la xisaabtamaan dowladda.

 

 

 

 

 

Leave a Reply