Magaalada Ceerigaabo oo uu ka curtay Roobkii Gu’gu

0
477

Ceerigaabo (Dawan) Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxa ka curtay maanta roobkii Gu’ga.

Roobka Gu’ga ayaa da’ay xilli kuleyl badan uu ka jiray degmada Ceerigaabo iyo degaanada hoos yimaada.

Bulsho weynta degmada Ceerigaabo, ayaa curashada raxmaarka ALLE aad ugu farxay.

Goobkasta waxa socda qulqulka biyaha ka dhashay dhibica roobka, dhijaamuhuna way buuxan, ruhuna dhaadu hayaa.

Biyaha roobkan ayaa dad iyo xoolaba laga cabay, isla markaana lagaga raystay oonkii iyo surmigii.

Leave a Reply