“Xildhibaanada xisbiga Waddani waxay caadaysteen wax ka sheega ciidamada”Afhayeen Buuni.

0
600

Hargeysa (Dawan) – Xisbiga KULMIYE, ayaa qaar kamid ah xildhibaannada golaha wakiilada ugu jira xisbiga WADDANI, ku eedeeyay in ay caadaysteen, wax ka sheega iyo u gacan qaadka ciidanka.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE, Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in xildhibaanada kasoo jeeda xisbiga WADDANI, ay caado ka dhigteen ka been abuurka, iyo wax ka sheega ciidanka.

Waxaanu yidhi.”Xildhibaanadii la doortay 31, May, 2021, khaasatan xildhibaanada kasoo baxay xisbiga WADDANI, waxay caado ka dhigteen, wax ka sheega, ka been abuurka, gacan u qaadka, Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland”

Buuni ayaa sheegay in xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun uu horay gacan ugu qaaday ciidamada booliiska, xilli shaqaaqo ka dhacday xarunta golaha wakiillada, isla markaana ay ka sugayeen shir’guddoonku in uu anshax mariyo balse aanay taasi dhicin.

Buuni oo hadalkiisa ula jeeday xildhibaan Maxamed Abiib oo shalay sheegay in taliyaha booliisku uu aflagaadeeyay, ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay aaminsanyihiin in sharcigu xaaraantinimeeyay wax ka sheega ciidamada.

Waxaanu yidhi.”Waxa ay maraysa maanta in aflagaado toos ah loo gaysto madaxda ciidamada Qaranka iyo saraakiisha, taliyayaashooda, taliye xigeenada iyo dablayda, iyo howlwadeenada kale ee ku sugan xarumaha ciidamada qaranka.

Waxaanu xisbi ahaan aaminsanahay in sida sharcigu u xaarantinimeeyay ay wax ka sheega ciidamada qaranku xaaraan u tahay”

Afhayeen Buuni ayaa golaha Wakiillada Somaliland usoo jeediyay, in ay talaabo ka qaadaan xildhibaannada uu ku eedeeyay in ay ku xadgudbeen sharafta ciidamada kala duwan.

Hadalka Buuni ayaa imanaya iyadoo maalintii shalay uu xildhibaan Maxamed Abiib, Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ku eedeeyay in uu u hanjabay.

Leave a Reply