Hay’adda SOHASCO oo shahaadooyin guddoonsiisay   470 dhallinyaro ah oo dhamaystay xirfado kala duwan

0
439

Hargeysa (Dawan) Magaalada Hargeysa    ayaa lagu qabtay munaasabad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay 470 ardey oo baratay xirfadaha farsamada gacanta sida sawir qaadista, sameynta boodhadhka, qurxinta haweenka, habeynta websiyada, dharka, macalinimada, iyo la talinta.

Hay’adda maxaliga ah ee SOHASCO, ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay 470 dhallinyara oo dhammeystay xirfado kala duwan.

Haddaba munaasibad hannaankeeda dhicitaan si weyn looga soo shaqeeyay, oo ka qabsoontay   xarunta Hiraal Youth Center ee magaalada Hargeysa,  ayaa hay’adda maxaliga ah ee SOHASCO oo kaashanaysa  hay’adda UNFPA iyo wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha  Somaliland, waxa ay u soo  gabo-gabeeyey 11 tabbabar xirfadeed kala gadisan 470 arday, kuwaas oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Waxaana xafladii loo qabtay da’yartan waxbaratay ka soo qayb galay   masuuliyiin ka socotay xukuumadda   Somaliland,   madaxda hay’addaha gacanta ka gaystay waxbarashada ardaydan iyo masuuliyiin kale.

Dhammaan masuuliyiinta madasha ka hadlay ayaa waxa ay hambalyo u direen ardayda tababarka dhamaysatay, iyaga oo sidoo kale ka hadlay faa’iidooyinka ay bulshada u leedahay barashada xirafaduhu waxa aanay kula dar-daarmeen ardayda tababarka dhamaysatay in ay ded-daalka halkaasi ka sii wadaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, mudane Cabdixakiin Siciid Bustaale oo ugu horrayn halkaasi hadal ka jeediyay ayaa is dul taagay faa’idada ay leeyihiin barashada xirfaduhu.“Bulshadeena iyo dhallinyaradeenu waxa ay fahmeen in xirfaduhu ay qayb weyn ka yihiin horumarka nolosha bini’aadamka.

Waxaanay xirfaduhu ka qayb qaataan, jihaynta, shaqo taga, la dagaalanka shaqo la’aanta, iyo horumarinta qofka bini’aadamka ahi dhaqaale ahaan horumaro, marka ardayey waxa loo baahan yahay in aqoontiinana aad sii wadataan xirfadiinana aad dhistaan.

Waxaan hanbalyaynayaa hay’adda maxaliga ah ee SOHASCO oo ardayda manta halkan ka qalin qoratay fursadan siiyay in ay waxbaraan.”

Agaasimaha ururka dhallinyarada Somaliland ee SONYO, Cabdixamiid Maxamed Cumar “Anigo magacii dhallinyarada Somaliland ku hadlaya waxaan halkan uga mahad celiya hay’adda UNFPA, waxaa kale oo hay’addaha dawladda ee kala duwan”

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, mudane Cabdirashiid Caydiid Yaasin, ayaa dhallinyarada kula dardaarmay in suuqa shaqada ay wax weyn ka baddelaan, isla markaana ay bulshada ka dhex muuqdaan.“Waxa ay u baahan tahay in aad la timaadaan isbaddel mushtamaca gudihiisa ah, oo aad saameyn ku yeelataan suuqa shaqada iyo bulshada dhexdeeda”

“Waxa farxad noo ah in dhallinyaro tiradoodu intaasi le’eg tahay ay maanta dhammeystan qaybaha kala duwan ee xirfadaha isla markaana ay fursadan u siiyeen labada, hay’addood ee SOHASCO iyo UNFPA”Ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodijeex mudane Khadar Baaruud.

Gaba-gabadii xafladda waxa halkaasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyey ardaydii tababarada dhamaysatay.

Hay’adda SOHASCO oo shahaadooyin guddoonsiisay   470 dhallinyaro ah oo dhamaystay xirfado kala duwan

 

Leave a Reply