Raashin loo qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool degmada  Salaxley ee duleedka Hargeysa.

0
562

Salaxley (Dawan)  In ka badan 200 qoys oo ku nool deegaanka Salaxey ee koonfurta magaalada Hargeysa  ayaa loo qeybiyay,  deeq raashin ah oo iskugu jirta daqiiq, bariis, baasto, sokor iyo Timir, waxana deeqdan bixiyay hay’adda Action Aid.

Waxaa goobtii lagu bixinayay goob jog ka ahaa masuuliyiinta hay’adda kaydka raashinka Qaranka Somaliland, masuuliyiinta degmada Salaxley iyo dadkii danyarta ahaa ee raashinkan loo qaybinayay.

Axmed Maxamed oo ka mida masuuliyiinta hay’adda Action Aid ayaa faahfaahin ka bixiyay raashinkan iyo waxyaabaha uu ka koobban yahay “Halkan waxa aanu ku qaybinayna raashin ka kooban laba boqol oo qoys, oo aanu ugu talo galnay dadka aadka u jilicdasan ee degaankan Salaxley, waanu og’nahay oo baahidu intan waa ay ka balaadhan tahay, abaartu way daba dheeraatay, roobkuna xilligiisi wuu dhaafay, hadda wali biyo dhaamiskii ayaa socda.

Maamulka degmada Salaxley oo iyagu soo xulay dadkii ugu mudna ee raashinkan la siinlahaa ayaanu ku wareejinayna”

Yuusuf Daa’uud Xaaji Cabdillaahi oo ka mida masuuliyiinta hay’adda kaydka raashinka Qaranka, ayaa hay’adda Action Aid uga mahad celiyay raashinka dadkaasi loo qaybiyay oo uu sheegay in uu yahay mid isku dhammeystiran, isaga oo intaas ku daray in ay tahay hay’adda kaliya ee ka soo jawaabta baaqa xukuumadda.

Guddoomiyaha degmada Salaxley Axmed Buuraale Iimaan,  ayaa sheegay in xilligii ku habboona ay soo gaadhay deeqdan raashinka ahi, waxaanu ILLAAHEY uga baryay in miisaanka xasanaadka ugu daro.

Leave a Reply