Masar oo xidhay dhalinyaro lagu eedeeyay inay dalxiisayaal dhibaateeyeen.

0
256

Hargeysa (Dawan) Xeer ilaalinta dalka Masar ayaa amar ku bixisay in xabsiga loo taxaabo tiro dhalinyaro ah kadib markii uu soo baxay muuqaal muujinaya dhibaato loo geystay labo dumar ah oo dalxiisayaal ahaa.

Saddex ka mid ah eedaysanayaasha ayaa lagu hayn doonaa xabsiga halka dhalinyaro kale oo  da’doodu u dhaxayso saddex iyo toban ilaa shan iyo toban  la geynayo xarunta lagu hayo carruurta.

Muuqaalka, ayaa muujinayay koox wiilal ah oo dhibaateynaya labo gabdhood xilli ay booqanayeen Ahraamta Masar.

Dhalinyarada ayaa ku dooday in wax dhibaato aysan u geysan dalxiisayaasha balse sawir ay la galeen.

Leave a Reply