“Doorasho kasta wakhtigeeda ayaa lagu qabanayaa”Wasiirka warfaafinta.

0
346

Hargeysa (Dawan) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay jirin doorasho dib u dhacaysa, oo doorashada madaxtooyadu wakhtigeeda ku dhacayso, si ka duwan eedaynta mucaaradka, xukuumaddu waxay sheegtay in doorashada urruraduna sharci tahay.

Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo waraysi gaar ah siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in doorasho kasta wakhtigeeda ku dhici doonto.

Waxaanu yidhi.”Madaxweynahaha Somaliland iyo xukuumadiisu waxan halkan ka caddaynayaa in ay diyaar u yihiin in ay doorashooyinkii qabtaan, waxa la qabanayaa doorashadii urrurada siyaasada oo madaxtooyada ayaa la qabanayaa, xukuumadda aan ka tirsanahay diyaar bay u tahay in ay doorashooyinka Qaranka mid walba wakhtigeeda qabato”.

Koore oo ka jawaabay su’aal laga waydiiyay in xukuumaddu ay faragalisay guddida doorashooyinka, ayaa sheegay in guddida uu kala jab ku yimid, sida darteedna uu madaxweynuhu sameeyay wixii uu sharcigu siinayay.

Waxaanu yidhi.”Madaxweynaha Somaliland ma faragalin koomiishanka ee iyaga ayay ka dhex dilaacday in ay laba kooxood noqdaan, oo wada shaqayn waayay oo madaxweynaha waraaq usoo qoray, sidaa darteed sharcigu wuxuu madaxweynaha siinayaa in uu u magacaabo koomiishan madaxbannaan”.

Wasiirka ayaa sheegay in qabsoomida doorashooyinka loo raacayo sharciga, oo doorasho kasta wakhtigeeda lagu qaban doono.

Leave a Reply