Shirkadda Youtube oo qaaday talaabo ka dhan ah Ruushka.

0
258

Hargeysa (Dawan) – Shirkadda YouTube ayaa sheegtay in in ka badan 9,000 oo kanaal ah oo ay weheliyaan in ka badan 70,000 oo fiidiyoow ah ka saareen bartooda, tan iyo bishii Febraayo, taa oo lagu yareynayo macluumaadka Ruushka ee la xidhiidha dagaalka ka socda Ukraine.

Shirkadda ayaa horay u sheegatay in ay ku dhibtootay in ay la socoto tirada akoonnada soo dhiga macluumaadka khaldan.

Horay shirkadaha sida Apple iyo Amazon ayaa joojiyay in Alaabtooda lagu iibiyo gudaha dalka Ruushka.

Leave a Reply