Urur Siyaasadeede Soo Dhaweeyay Dhaarintii Guddida Diiwaangalinta

0
398

Hargeysa (Dawan) Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland oo soo dhaweeyay dhaartii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ku dhaariyay 4 Xubnood oo ka mida Guddida Diiwaangalinta Ururrada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.

Guddoomiyaha Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala digaale ayaa soo dhaweeyay dhaartii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ku dhaariyay 4 Xubnood oo ka mida Guddida Diiwaangalinta Ururrada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee ay soo ansixiyeen Golaha Wakiilada.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala digaale waxa uu soo dhawaynayaa dhaartii Maanta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ku dhaariyay 4 Xubnood oo ka mida Guddida Diiwaangalinta Ururrada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta.

Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala digaale waxa uu arkaa dhaarinta Xubnaha Guddida Diiwaangalinta Ururrada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta

in ay tahay talaabo hore loo qaaday dhinaca Dimuqraadiyadda iyo qabashada Doorashada Ururada Siysaada. Waxaana usoo jeedinayaa Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland

Golaha Wakiilada in ay ansixiyaan Saddexda xubnood ee ka dhiman Guddida Diiwaangalinta Ururrada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.

 

 

 

 

 

Leave a Reply