Waxaan Weydiisannay Norway Inay Kordhiso Qaadhaanka SDF”

0
361

Hargeysa (Dawan)- Xubno kamida golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo weheliyaan Safiirka Somaliland ee Norway Maxamed Aadan Liinan iyo Xoghayaha Safaaraddaas Cabdirixiin Axmed Ismaaciil oo magaalada Oslo kulan kula yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda Norway dabayaaqadii todobaadkii hore ayaa ka dalbaday inay kordhiso Norway kaalmada ay ka geysato sanduuqa horumarinta JSL ee SDF.

Wasiirrada Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed iyo Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Abdirisaaq Ibraahim oo booqasho ku joogga dalka Norway iyo danjiraha Somaliland, ayaa la ku-xigeenka Agaasimaha Guud My-Elin,Agaasime xigeenka Qeybta Geeska Afrika iyo Galbeedka Afrika Geir Arne Schi iyo Ergayga gaarka ah ee Norway u qaabbilsan Somaliland iyo Soomaaliya Heid Johnson .

Ambasadoor Maxamed Aadan Liinan Safiirka Somaliland ee Norway oo markii kulankaasi dhamaaday faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha kulankaas lagaga wadahadlay, ayaa sheegay inay dawladda Norway aqbashay inay kordhiso qaadhaanka ay kaga qaybqaadato Sanduuqa SDF iyo inay taageero ka geysato suuqii gubtay ee Waaheen.

“Masuuliyiinta Norway waxaannu ka wadahadalnay, sidii Norway uga caawin lahayd geesta Kalluumaysiga, Jidadka, arrimaha doorashooyinka iyo nabadgelyada Marin-biyoodka Badda cas. Waxa kale oo aannu ka wadahadalnay sidii ay Norway taageero uga geysan lahayd dhismaha Suuqa Waaween ee magaalada Hargeysa ee bilawgii April 2022 gubtay in ay dhaqaale u fidiso caruurta ay saameysa gubashada waaheen ay aan awoodi karin in ay dugsiyadii sii wataan dhaqaale xumi awgeed..” Sidaa ayuu yidhi Safiirka Somaliland ee Norway Ambassador Maxamed Aadan Liinan.

Safiirku waxa uu xusay inay Norway oggolaatay inay kor u qaaddo taageerada ay ku bixiso Sanduuqa SDF, waxaanu yidhi; “Waxaan weydiisannay Norway inay kordhiso qaadhaanka ay kaga qayb-qaadato Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF. Waanay naga aqbaleen, runtii aad baannu ugu mahad-naqaynaa.”

Waxa kale oo uu Safiirku intaas ku daray in Kulankaas lagaga wadahadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha xoojinta xi xidhiidhka labada waddan ee Norway iyo Somaliland oo xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo, waxaana la isla falanqeeyey qodobbo kala duwan oo labada dalba muhiimad u leh. Isla markaana, waxa kulankaasi ku dhammaaday isfaham iyo guul, sida uu Safiirku sheegay.

Norway ayaa kamida saaxiibada Somaliland ka taageera dhinacyada horumarka iyo geedi-socodka dimuquraadiyada.

 

 

Leave a Reply