UEFA oo Soo Saartay Kooxdii ugu Fiicnayd Champions League & Salah oo Laga Waayey

0
374

Xidhiidhka kubadda cagta UEFA ayaa soo saaray kooxdii sannadka ee tartanka Champions League, kaddib markii Sabtidii lasoo gabogabeeyey xilli-ciyaareedka oo ay Real Madrid ku qortaya taariikh cusub markii ay Liverpool ku garaacday 1-0, isla markaana ay markii 14aad ku guuleysatay Champions League.

Vinicius Junior ayuu ahaa xiddigii dhaliyey goolka guusha ee koobka u horseeday Real Madrid, iyadoo uu geesiga kooxdana noqday Thibaut Coutois oo goolkiisa u diiday xiddigaha Liverpool.

Los Blancos waxay sidaas ugu guuleysatay Champions League markii 14aad, iyadoo laba-jibbaar ka badan kooxda kusoo xigta oo AC Milan ah oo toddoba jeer  ku guuleysatay.

UEFA oo soo saartay kooxdii sannadka ee Champions League ayaa waxay siddeed ciyaartoy siisay labadii kooxood ee finalka ciyaaray ee Real Madrid iyo Liverpool oo min afar ciyaartoy ku yeeshay.

Saddex kooxood oo kaliya ayaa soo raacay oo min hal ciyaartoy ku yeeshay kooxdii ugu fiicnayd Champions League sannadkan, waana PSG, Chelsea iyo Manchester City.

Halkan kaga bogo kooxdii sannadka ee Champions League:

Goolhaye: Thibaut Cortois

Difaaca: Trent Alexander-Arnold, Virgil van Dijk, Antonio Rudiger, Andy Robertson

Khadka dhexe: Luka Modric, Fabinho, Kevin De Bruyne

Weerarka: Vinicius Jr, Karim Benzema &Kylian Mbappe

Leave a Reply