Baddu Waa Keyd Cunto oo ka Qanisan Barriga

0
497

Markii loo kuurgalay lana daraaseeyay dadka badda cuntadeeda cuna, waxa soo baxday inay yihiin dad ka caafimaad badan dadka berriga kana sheegasho yar xagga xanuunnada, sidoo kale haddii aad ufiirsatid cudurrada kubadan berriga sida wadna xanuunka, dhiig karka iyo sonkortuba aad ayay ugu yar yihiin dadka badda xeebaheeda deggan, sida la ogyahay xayawaanka badda kujira waxaa kubadan maaddooyinka laga helo fiitamiinada iyo borotiinka, kuwaasoo saacida jirka habsami u shaqayntiisa. waxaymu odhan karnaa dhamaan.

Xilliyada kala duwan waa laga daban karaa kalluunka badda, laakiin xiliyadu way ku kala haboon yihiin kalluumaysiga , 12-ka bilood 3 ama 4 bilood ee xagaaga maahee inta kale waxa caadi ah helitaanka noocyada kala duwan ee kalluunka, inkastoo uu jiro xilli todobaad ah oo ay kacdo baddu xilliga xagaaga laftiisa waxaa jira noocyo ka mid ah xayawaankeeda oo la daban karo, sida libaax baddeedka oo helitaankiisu xilligaas ka wanaagsan yahay xilliyada kale, sida barriga oo kale, maaddaama wixii la cuni lahaa ay ku diyaar yihiin, sida la ogyahayna dadyow fara badan ayaa ku nool badda dusheeda oo intaasoo fac isku dhalay doon gudaheed, isla markaas iyagoo kala soo baxaya waxay cuni lahaayeen maalin kasta badda, dadkaas waxaa kamid ah, Shiinaha, Vietnam-ka iyo quruumo kale oo u badan kuwa ku dhaqan Bariga fog.

Farqiga  udhexeeya Qubada iyo diinka waxaa la odhan karaa midi wuxuu ku nool yahay badda midna berriga, inkastoo qubadu ay barriga ku noolaan karto muddo gaaban, midda kale qubada oo ah tan ku nool badda waxtarkeeda marka laga hadlayo, subaggeeda iyo hilibkeeduba waxay daawo u yihiin cudurro badan oo lasoo darsa bani’aadamka sida Neefta, dhabar xanuunka iyo lafo xanuunkaba.

Runtii waxa kale oo jira xayawaanka aargoosatada, waxaana inta badan qaldan qaabka loo ugaadhsado, dadku waxay qabtaan hooyada dhalaysa iyo midda dhallaanka ah, waxa kale oo dhib ku haya dhamaanba xayawaanka badda maraakiibta waaweyn, kuwaasoo saamayn ku yeesha noloshooda.

Xilliga roobka baddu kama maaranto ee aad bay ugu baahan tahay roobka, sida bariga iyo xayawaanka ku nooliba ay ugu baahan yihiin roob ayay badda iyo xayawaanka ku nooliba ugu baahan yihiin roobka la’aantiisana ma noolaan karaan, markii roob ku da’aba xayawaanka Baddu wuu tarmaa.

Leave a Reply