Xadiis uu saxaabiga Abuu Hurayrah (Rc) Warinaayo waxa uu yidhi: “ Nebigu (scw) Wuxuu yidhi: Iska ilaaliya malaha (malo awaalka) waana waxa been u weyne. (Bukhaari & Muslim). Xadiis kale oo uu Abuu Hurayra (Rc) Warinaayo waxa uu yidhi: Nebigu (scw) Wuxuu yidhi: “ Iska Jira xaasidnimada, maxaa yeelay xaasidnimadu waxay u cuntaa xasanaadka (Wanaaga aad shaqaysato) sida dabku u cuno xaabada. (Abuu Daawuud).