Kooxda Manchester United oo Dalab Rasmi ah ka Gudbisay Christian Eriksen

0
303

Manchester United ayaa dalab ka gudbisay Christian Eriksen, sida ay fahansan tahay The Athletic.

Eriksen, oo 30 jir ah, ayaa lagu helayaa qaab xor ah kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula joogay kooxda Brentford.

Xiddiga reer Denmark aya heshiis 6 bilood ah u saxeexay kooxda Brentford suuqii janaury waxana uu so bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Brentford ayaa badisay 7 ka mid ah 6-kii kulan ee uu ciyaaray Eriksen taas oo ka caawisay in ay sii joogaan premier League.

Xiddiga Barcelona ee Frenkie de Jong ayaa ahaa bartilmaameedka Man United si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe.

Laakiin waxa la rumaysanyahay in ay Barcelona dhigeeda Man United ka diiday dalab ay ku doonaysay xiddiga Frenkie de Jong.

Wargayska The Athletic ayaa haatan sheegaya in ay Man United dareenkeeda u jeedisay xiddiga Eriksen isla markaas dalab Rasmi ah ka gudbisay saxeexiisa.

Leave a Reply