Ganacsade Dhisme Cusub ku kordhiyey Madaarka Burco

0
322

Burco-(Dawan):- Ganacsade Jaamac Adan Karaaciin ayaa la sheegay inuu maalgeliyey dhisme cusub oo lagu kordhiyey madaarka Burco.

Dhismaha cusub ee Ganacsade Jaamac Karaaciin ku kordhiyey madaarka oo ka kooban qolka nasashada iyo barxad ayaa dhaqaalaha ku baxay la sheegay inuu dhamaantood ku deeqay.

Maamulaha Madaarka Burco Abdirisaaq Nuur Caraale oo ka hadlayey dhismaha cusub iyo qorshahooda ayaa sheegay inay qorsheynayaan sidii diyaarada yar ee Ceerigaabo tagta duulimaadyo uuga bilaabi lahayd Madaaarka Burco, waxaanu bogaadiyey maalgelinta Ganacsade Jaamac Aden Karaaciin ugu deeqay ee dhismaha terminalka nasashada rakaabka.

Dhismahan qolka nasashada oo wax weyn ku kordhin doona adeegyadda madaarka Burco oo dhowaan la saadaalinayo in xadhiga laga jaro, ayaa mudan in muwaadiniinta JSL qurbajoog iyo qaranjoog ku deydaan ka qeybqaadashada dhismaha dalkooda.

Jaamac Karaaciin oo maalgashi balaadhan ku sameeyey dalka ayaa magaalooyin kala duwan ka sameeyey hudheel iyo ganacsiyo kale oo shaqo-abuur weyn ay ka heleen muwaadiniin farabadan oo dalka jooga.

 

 

 

Leave a Reply