Romelu Lukaku oo ku Biiray Kooxda Talyaaniga ah Inter Milan

0
405

Agaasimaha kooxda Inter Milan ee Giuseppe Marotta ayaa xaqiijiyay in ay dhamaystireen saxeexa xiddiga Romelu Lukaku kaas oo ay qaab amaah ah ugala wareegeen chelsea.

Xiddiga reer Belguim ayaa isaga tagay Inter xagaagii isaga oo lacag waali ah ugu laabtay Chelsea laakiin ku fashilmay in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo.

Lukaku ayaa haatan ku laabanaya Inter Milan oo uu ku qaatay qaab ciyaareed cajiib ah ka hor intii aanu ku laaban kooxda chelsea xagaagii hore.

“Waa inaan uga mahad celino mulkiileyaasha diyaar ahaanshohooda” ayuu Morata yidhi.

“Waxa aan Rajaynayaa in aan saacadaha soo socda dhamaystirno heshiiska”.

“Weli si Rasmi ah uma shaacin karno laakiin waan ku faraxsanahay in aan Lukaku ku soo celino Gurigiisa” ayuu sii raaciyay.

Leave a Reply