Xukuumadda oo Go’aamo Adag Dul-dhigtay Barayaasha Ajaanibta ah ee Dalka ku Sugan

0
479

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay go’aamo ay ku joojinayso shaqaaleysiinta macalimiinta ajaanibta ah ee dalka u dhalan,  kuwaas oo inta badan wax ka dhiga goobaha ay ka socoto adeeg bixinta waxbarasho ee dalku.

Waxaana joojinta shaqaaleysiintan ay u cuskatay xeer Lr.31/2020-ka qodobkiisa 34aad farqadiisa afraad, oo reebaya in qof ajaanib ah shaqaale loo qaato iyada oo shaqada uu qaban karo qof muwaadin ah.

Waxa sidan lagu sheegay wareegto ka soo baxday wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland taasi oo ku saxeexan yahay wasiirka wasaaraddaasi mudane Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa sidoo kale lagu cadeeyay in ruqsaha lagala noqon doono goobaha waxbarasho ee dalka ka jira ee ay leeyihiin dadka ajaanibta ah.

Wareegtadan oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeysyada Dawan ayaa u dhignayd sidan.

“Mudanayaal iyo marwooyin anigo tixraacaya xeerka shaqaalaha rayidka ah xeer Lr.31/2020-ka qodobkiisa 34aad farqadiisa afraad, oo reebaysa in qof ajaanib ah shaqaale loo qaato iyada oo shaqada uu qaban karo qof muwaadin ah iyo in la sugo in ubadkeena yar yar lagu ababiyo afka hooyo dhaqankeena iyo hidaheena suuban waxa ka idin faraya in aad u hoggaansatan amaradan

1 Waxa reeban in liisan goob waxbarasho la siiyo dugsi barbarin ah ilaa dugsi hoose oo ay furanayaan dad ajaanib ah, haddii ay jiraan kuwa hore loo siiyayna waa lagala noqonaya 1/8/2023

2 Waxa reeban in barayaal ajaanib ahi wax ka dhigaan heerka barbaarinta iyo dugsiyada hoose ee dalka.

3 Goobaha waxbarashada ee dalka ku yaala way ka reeban tahay in ay maamulan ama wax ka dhigaan baryaal ajaanib ah oo aan haysan ogolaanshiyaha shaqo iyo liisanka macalinimada ee ay bixisay wasaaradda waxbarashada Sayniska Somaliland,

4 Dhammaan goobaha waxbarasho ee dalku waa in fursadaha shaqo mudnaanta koobaad siiyaan barayaasha iyo hawl wadeenada muwaadiniinta ah haddii aan dalka laga waayin muwaadin buuxin kara oo u diyaara shaqada loo baahan yahay sida uu dhigayo qodobada sare ku xusan.”

 

 

 

 

 

Magaalada Hargeysa oo uu Shir

Leave a Reply