Dadka Ayaa Ka Qiimo Badan Dheemanta!

0
314

Doonida siday dhamaan hantidiisa oo  dhan ee ay la socdeen ayuu dab qabsaday intii ay safarka badda ku jireen, waxa kaliya ee u wakhtigaasi gacanta ku haystay shandad buuxda oo dahab ah.

Markii u doonayay inuu doonida ka boodo oo badda isku tuuro si uu u badbaado madaama uu dabaasha xariif ku ah, ayuu wiil yar oo ka mid ah rakaabka uu shaadhkiisa soo jiiday. Markii uu xaga danbe eegay  wuxu ku yidhi: ” I gaadhsii beriga, ma aaqaano dabaasha hooyaday ayaa dadka igaga qarsoontaye “  Ilbidhiqsiyo ayay maskaxdiisu si xawli leh u shaqaysay inuu badbaadiyo wiilka yar oo shandadiisa dahabka iska tuuro,  iyo inuu dahabkiisa qaato oo aanu wiilka yar badbaabin.

Markii danbe wuxu go’aasanday inuu badbaadiyo wiilka yar oo iska tuuro shandada culus ee dahabku ugu buuxo.  Markii ay beriga soo  gaadhaan isaga iyo wiilka yaraa ayuu miyir beelay ninka maalqabeenka ahi daal awgeed waayo naftiisa iyo tan wiilka yar ayuu wada badbaadinayay.

Mar danbe ayuu soo miraabay isaga oo uu wiilka yari biyo ku rusheeyay oo waarbiyay biyo qabow oo haro u dhowaday ku jiray si uu badbaadiyo noloshiisa oo halis geli lahayd haddii aanu la socon.

Wixii maalintaasi ka danbeeyay Mudadii uu noolaa oo dhan wuxu ka murugoon jiray “ Hadii uu dooran lahaa shandada dahabka ah oo uu iska dhaafo badbaadinta wiilka yar in uu beri hore isna dhiman lahaa. wiilka badbaadiyay ayaa agtiisa ka ahaa qof muhiim ah, Waayo waa uu badbaaiyay. Ogow sidaas ayay dadku uga qiima badan yihiin hantida aad haysato. Wanaagga aad samayso, abaalkiisa waad helaysaa.

Leave a Reply