Somaliland: Aas Qaran oo lagu Sagootiyay Marxuum Aadan Siiro iyo kulankii Xisbiyada iyo Xukuumadda oo loo Baajiyay

0
544

Ducadii Ergada  sagootiday Marxuum  Sheikh Aadan iyo ammaanada uu xilkeeda ka tegay..

Hargeysa(Dawan)-Jidka isku-xidha Magaalada Hargeysa iyo Xabaalaha Baqiic wuxuu galay mid kamida maalmihii ugu mashquulka badnaa, oo aan hore u soo marin, dhici doontaase mooye.

Gawaadhidu waxay is daba socdeen oo ay sanka isku hayeen gudaha magaalada ilaa iyo deegaanka ay Xabaaluhu ku yaallaan.

Kumanaan qof oo uu kamid yahay madaxweynaha Qaranku, ayaa isu taagay tugashada Salaadda Jinnaasada, dadkaasoo baaxad iyo tiro inta ay ka le’eg yihiin qofna aanu arki karin  safka uu ku jiraa halka uu ku dhamaado.

Waxaanan qiyaasi karnaa in haddii ay Salaada Jinnaasada ku tukadeen toban kun oo qof, tiro intaas ka badan ama ku dhow ay jidka ku soo jirtay daqiiqadaha Salaadda lagu Tukanayey oo ku beegnaa abaaro 12:20 duhurnimo, maalintii shalay oo ay taariikhda Hijrigu ku beegnayd 18 dul-xijja sanadka 1443 oo waafaqsan tirsiga miilaadiga 17/07/2022.

Geeridu waa xaq, wayse kala culays iyo masiibo weyntahay’e, halqiga kumanaanka ahi waxa ay ka qaybgaleen Aaska alle ha naxariisto’e Sh. Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro) oo ahaa Sheikh weyn, daaaci, samafale, Ganacsade iyo Indheer-garad kaalin weyn oo lama hurraan ah ugu jiray umadda Somaliland, geeridiisa kaddibna la isweydiin karo qofkii bedeli lahaa, kaasoo ku geeriyooday Dalka Hindiya oo uu hawlo caafimaad u tegay, 14/07/2022, maalin khamiis, lana soo qaaday maydkiisa habeen hore.

Marxuumka, ayaa lagu dheelmiyey aas-qaran oo kulmiyey madaxda hay’addaha Qaranka, culimo-awdiinka dalka, Tujaarta iyo kumanaan qof oo kamida labeenta Somaliland maalintii shalay, kuwaasoo intii codbaahiyaha haleelshay dareen duco iyo tacsi xambaarsan halkaa ka jeediyeen.

“Sheikh Aadan qofka uu ahaa waxa innagaga filan inta ergay ee xabaasha dusheeda markhaatiga ah”ayuu cod dheer ku sheegay mid kamida culimada ku sugnayd goobta oo sii raaciyey “wuxuu sameeyey waxyaabo badan oo lagu xusuusan doono waana inaynu cashar ka baranaa”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Biixi Cabdi iyo masuuliyiin kale oo ka hadlay shakhsiyadda Marxuumka, ayaa ku tilmaamay muxsin gacan-furnaa  iyo mufti arrimaha diinta ka shaqaynayey cimrigii uu noolaa qayb kamida, gaar ahaan dhowr iyo labaatankii sannadood ee u dambeeyey.

Madaxweynaha, madaxda asxaabta Qaranka iyo goleyaasha kale ee dawladda oo aan u kala maqnayn munaasibada sagootinta marxuumka, ayaa dhamaantood tacsi u diray qoyska, qaraabada, ehelka,asxaabta, umaddii uu caawin jiray iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay, waxaanay alle uga baryeen inuu Samir iyo iimaan ka siiyo, isagana jannada ka waraabiyo. Alle ha u aqbalo aamin aamin.

Alle ha u raxmadee, ka sekow marxuumku in uu ahaa Daaci arrimaha diinta ka shaqaynayey noloshii intii badnayd, kuna hawlannaa fidinteeda iyo ku camal-falkeeda, inuu ahaa ganacsade iskii u shaqaysta, inuu ahaa Oday samo-talis, inuu ahaa cod-kar ka damqada tabaalaha bulshada oo aan ka gaban sheegida xaqa, toosinta hogaanka bulshada iyo taabashada hadba meesha xantanaysa shacbiga, wuxuu ku sifoobay samofalle caawiya dadka jilicsan ee u nugul hadba waayaha iyo wadeecada ku gedaaman nooc kasta oo ay yihiin,kana war hayey hadba xaaladaha culayska ku haya, iyo inuu ahaa shakhsi u hagar-baxay horumarinta danta guud ee umadda oo aan ku koobnayn mid iyo laba, balse abuuray, taban-taabiyey ama gacan weyn ka geystay mashaariic tiro badan oo waddanka ka tisqaaday, lehna waaritaan iyo manfac la mahadiyey.

Barmaamujyada uu hogaaminayey waxa tusaale nool oo sii jiri doona aynu uga soo qaadan karnaa aasaaska, ilaalinta iyo maamulka Xabaalaha maanta looga yagleelay hoygiisa aakhiro ee Baqiic oo uu gacanta ku hayey tobanaankii sannadood ee u dambeeyey, kuwaasoo uu hawshooda la wareegay xilli ay Hargeysa qarka u saarnayd in la waayo meel Maytida lagu aaso, isagoo gacan ka helayey ganacsato iyo dad muxsiniin ah. nidaamka iyo qorshaha uu u dejiyey xabaalahan ayaa noqday mid dhaxal-gal ah oo ay  sii wadi karto cid kasta oo hawshooda la wareegta, inkasta oo ay tahay arrin u baahan in la-iswaydiiyo.

Tacabkii iyo shaqadii uu geliyey jiritaanka Xabaalaha, ayaa ahaa mid kamida arrimaha ugu fadliga iyo wanaagga badan ee uu ka shaqaynayey, umadduna ay ka wada markhaati ahayd, waxaanad halkaa ka garan kartaa inuu lahaa damqasho iyo dareen qoto dheer oo raxmaddeed.

Sidoo kale, Inuu ahaa qof muhiim ah oo kaalmahaa waaweyn bulshada ugu jiray, lana tebi doono, waa mida  sababtay inay aaskiisa ka soo qaybgasho ergo aan cadad iyo tiro lagu koobi karin ka koobnayd  qaybaha bulshada, in badan oo kamid ahina ay masaafo dheer uga yimaadeen.

Qof kasta oo ka qaybgalay Aaska Sheikh Aadan, waxa wajigiisa laga dheehanayey tiiraanyo iyo muruggo korka uga soo baxday oo aanu qarsan karin, waxaase hubaal ah in aanu hilmaamin kelmad duco ah oo uu ku sagootiyey Maydka, taana waxaa innoogu sugan ku cibro-qaadasho iyo in aan cashar ka baranno.

Waayo? Inay umad kumanaan gaadhaysaa ay  illaahay hortiisa ergo iyo markhaati kaaga noqdaan , isla markaana mid ku yaqaanna, mid aan ku aqoon, qaar ku jeclaa iyo kuw ku necbaa ay geeridaadu isku si’ u taabato, kuuna duceeyaan waa hadyad iyo fursad qaali ah oo alle qofka uu siiyaa si uu hubanti ku dhow jannada gelbis ugu tegayo.Duruusta innoogu

sugnaatay sida loo camiray janaasada marxuumka waxaan ku soo koobi karnaa oo muhiim ah in aan samayno ama ka shaqaynno inta aan ka gaadhi karno acmaashii wanaagsanaa ee uu alle ha naxariistee Sheikh Aadan joogteeyey, kuna kasbaday jacaylka iyo maamuska lagu hooyey.

Alle ha u naxaristo’ dhinaca sooyaalkiisii nololleed iyo dhaqan, waxa uu ku dhashay magaalada Hareysa sanadkii 1962, waxaanu waxbarashadiisa qaybihii hore u qaatay isla magaalada Hargeysa.

Waxa uu ahaa Aabo dhalay 9 Ubad ah, lix Gabdhood iyo Saddex Wiil oo ay qaarkood sii tarmeen, waxaaanu ifka kaga tegay Hal Xaas,  sagaalka Ubadda oo ay u dhashay iyo tafiirtooda.

Ugu dambeyn, Sh. Aadan-kii culimada foollaadkooda ku tirsanaa, deeqsigii danyarta caawin jiray, samo-taliyihii hawlaha danta guud abaabuli jiray, macalinkii fidinta cilmiga iyo korinta cuquusha umadda u hellanaan jiray, taageerina jiray illaha waxbarashada iyo adeegyada aasaasiga ah, waxa qaaday illaahi abuuray oo uu u noqday, waxaanu umadda Somaliland oo ay ugu horeeyaan bahda culimadu uu kaga tegay amaanno culus oo u baahan masuuliyad iyo is-xilqaan joogto ah.

Ammaannada uu xilkeeda kaga tegay umadda oo dhan, khaasatan intii ugu dhaweyd ee la shaqaynaysay, waxay isugu jirtaa in muuqata iyo in badan oo qarsoon, waxaana waajib ah in wixii  dhismahoodu socday la dhamaystiro, kuwii hore u hirgalay la sii horumariyo iyo in fikradihii uu ku dardaarmay la weellleeyo oo maxsuul loo sameeyo.

Qodobka ugu weyn waa in dadka reer Hargeysa ay damaanad qaadaan daryeelka iyo jiritaanka Xabaalaha Baqiic oo xil iyo masuuliyad dheeraada u baahan iyo in la sii wado taageeradii danyarta kala duwanayd

 

 

 

Leave a Reply