Masuuliyiinta Degmada 26-ka June oo Ku Dhiiraday Baneynta Jid 30 sano xidhna

0
306

Hargeysa (Dawan) Dawlada hoose ee magaalada Hargeysa ayaa guud ahaan ka wada caasimada dedaalo lagu banaynayo jidadka mudada badan xidhnaa iyo hir-galinta waddooyin casriya.

Masuuliyiinta degmada 26 ka Juun oo uu hormood u yahay guddoomiyaha degmadu ayaa shalay bilaabay baneynta jidka dhex mara xaafadda Goljano ee Hargeysa, kaasi oo muddo badan ahaa mid raf ahaa, isla markaana ay dhib badan maristiisa ka mari jireen dadka iyo gaadiidku.

Cagafyada dawladda hoose ayaa ku hawlan banaynta dhismayaasha sharcidarrada ah  ee wadada soo galay, balse bulshada dhismayaashaasi leh ay raali ka ah in la dumiyo oo ay helaan jid fududeeya isu socodka gaadiidka iyo dadka.

Kaliya Dawalada Hoose ee Hargeysa kama wado jidkan oo kaliya degmadani balse waxa jira waddooyin kale oo ay ka hir-galinayso degamadaasi.

Waa markii u horraysay ee muddo 30 sano ah lagu dhiirado banaynta iyo dhismaha jidkani

Leave a Reply