Hargeysa(Dawan)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay wehelinayeen Lataliyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur iyo Madaxa Tababaradda Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahim, ayaa tababar ku xidhiidhsan tababaro taxanne ahaa oo salka ku haya Shareecadda Islaamka iyo Garsoorka u furay 30 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodijeex iyo Maxkamadda Degmada Hargeysa maalintii shalay.
Tababarkaas oo ay bixinayeen Sheekh Maxamed Cali Gadhle iyo Dr Xuseen Xasan Cali ayaa diirada lagu saarayay Qoomaha iyo Axkaamta Islaamku u jideysay, noocyada xukunka iyo asbaabaha loo buriyo.
Ugu horayn waxa aqoon-is-waydaarsiga ka hadlay Sheekh Maxamed Cali Gadhle waxaanu is-dul-taagay ahmiyada uu mawduucani Garsoorka u leeyahay, waxaanu rajeeyay in muddada uu socdo tababarku la kala faa’iidaysan doono aqoon iyo waayo-aragnimo sal-balaadhan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali oo furitaanka tababarka hadal ka jeediyey, ayaa hoosta ka xarriiqay in ay muhiim tahay in mar walba la joogteeyo aqoon-is-waydaarsiyada noocan oo kale ah, waxaanu ku macneeyay in cilmigu ku fiican yahay fallan-qaynta iyo kala faa’iidaysiga, waxaanu ku dhiiri-galiyay xubnihii kasoo qayb-galay in ay ka faa’iidaystaan xeel-dheerayaasha, masalooyinka ay isleeyihiin waxay u baahan tahay lafa-gur iyo faham dheeraad ah.
Sidoo kale Guddoomiye Aadam waxa uu sheegay in tababarkani qayb ka yahay tababaro xidhiidh ah oo dhawrkii sanno ee u danbeeyay lagu xoojinayay Garsoorka, waxaanu yidhi “Inkasta oo ay muddooyinkii u danbeeyay Garsoorka ku soo biirayeen Garsoorayaal cilmiga Diinta aqoon fiican u leh, haddana waxaanu u aragnay in ay lama huraan tahay in tababarada Shareecadeena Islaamka ku saabsan la kordhiyo”
Guddoomiyaha, ayaa tibaaxay xog ururin hore ay Maxkamadda Sare u samaysay in ay ku ogaadeen in tababarada caynkan oo kale ah loo baahan yahay, taasina ay qayb weyn ka qaadatay in ahmiyad gaar ah la siiyo.
Aqoon-is-waydaarsigan oo socon doona laba cisho ayaa xeel-dheerayaashii bixinayay iyo Garsoorayaashii soo xaadiray ay is-waydaarsadeen mawduucyo laf-dhabar u ah u dhaba-galka iyo xaqiijinta xadiga qoonta ama nabarka iyo nidaamka loo raacayo, siyaabaha xukunku uga abuurmayo. Waxaanay dhinacyadu si qoto dheer u lafa-gureen masalooyin muhiim u ah Garsooraha, taasi oo si koox-koox ah iyo kali-kali ahba