Nuxurka Heshiis Dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadaha Adeegga Korontada

0
298

Hargeysa (Dawan)  – Xukuumadda Somaliland iyo shirkadaha laydhka, ayaa ku heshiiyay in qiimaha korontada halkii unit lagu iibiyo $0.73, isla markaana aan la jarin korontada habeenkii.

Shirkadaha laydhka, ayaa qoraal ay si wadajir ah usoo saareen 23, 6, 2022 ku sheegay in ay adeega korontada goyn doonaan 11:00PM ilaa 4:00AM habeenkasta marka la gaadho 1 bisha Ogosto, kadib markii ay xukuumadu hor istaagtay go’aan ay ku doonayeen in ay halka unit ee korontada ku iibiyaan $0.84.

Heshiiskan ayaa meesha ka saaraya in la gooyo laydhka saacadaha qaar habeenkii, isla markaana shirkadaha korontada iyo xukuumadda, ayaa iskugu yimid qiimo dhexdhexaad ah, iyadoo qolo waliba tanaasul samaysay.

Shirkadaha laydhka ayaa sheegay in aanay qiiimaha korontada ku iibin karin qiimihii hore, kadib markii uu kordhay qiimaha shidaalka caalamka oo dhan dagaalka Yukrayn awgii.

Nuxurka qodobada ay xukuumadda iyo shirkadaha adeega laydhku ay ku heshiiyeen oo soo gaadhay xafiiska wararka wargeysyadda Dawan ayaa u dhigna sidan.

1 – In Komishanka tamarta korontada iyo shirkadaha korontadu ay yeeshan wada shaqayn buuxda oo waafaqsan sharciga, isla markaana wasaaradda tamarta iyo macdantu ku kor joogtayso.

2 In saddexdii biloodba komishanka tamarta korontadu uu dib u eegis ku sameeyo qiimaha korontada, isaga oo la kaashanaya shirkadaha korontada.

3 In qiimaha ugu sarreeya ee lagu iibin karo korontadu ay tahay 0.73 dollar

4 In qiimaha korodhka cusubi uu ka bilaabmi doono biilka bisha July 2022-ka

5 Go’aankani waxa uu dhaqangalaya maanta oo bishu tahay 08/8/2022-ka

Leave a Reply