Natiijada Khiyaamada Iyo Faylashii Xiisaha Badnaa!

0
323

Haba Salim waxay ka mid ahayd faylasha xiisaha leh ee ugu caansan hawlaha sirdoonka bariga dhexe. Waxay ahayd Masaariyad ku hawlan oo jajaban hawlaha sirdoonka ciidamada dalkeeda iyadoon haba yaraatee rabin lacag ay kaga hesho Israa’iil laakiin aaminsanayd inay Israa’iil tahay quwad aan la jebin Karin ayay wakhti kasta u gudbin jirtay sir ciidan oo muhiim ah.

Marar badan ayay diiday lacago loo soo bandhigay iyadoo haddana gudbisay macluumaadkii ugu qiimaha badnaa ee abid ay Israa’iil ka hesho gudaha ciidamada Masaarida madaama uu ninkeedu ahaa saraakiisha sare ee ciidanka sida ay Israa’iilo sheegtay.

Hibo markii la qabtay ee Israa’iil ogaatay waxa barooratay islaantii ra’iisawasaaraha ka ahayd Yuhuudda wakhtigaasi Miss. Golda Meir, waxaana ay ka codsatay wasiirkii arimaha debedda ee Maraykanka ee xiligaasi Mr.Hennery Kissinger oo isna asalkiisu ahaa Yuhuudi inuu uu tago Madaxweynaha Masar Mr.Anwar Asdaat oo uu xukunka dilka ka khafiiiyo gabadha Hibo oo ugu bedelo xabsi iyo weliba in la is dhaafsado maxaabiis ay iyagu wkahtigaasi hayeen.

Markii uu Hennery Kissinger ka degay Madaarka Qaahira ee uu ogaaday Anwar Asadaat inuu arinta basaasidda Hibo Salim u socdo ayuu amray in hore loo khaarajiyo, waana la deldelay. Wasiirka Arrimaha Debedda markii uu ku qaabilay qasrigiisa markiiba wuxu ka codsaday inuu u yimi gabadha Hiba in xukunka loo khafiifyo, isaguna wuxu ugu jawabay  “ Nasiib daro waad daahday waaba la fuliyay dilkeeddi, hadda Aakhiro ayay jirta”.

 

 

 

Leave a Reply