“ Waxaan Bixinayaa Waxa Awoodayda Ah”

0
333

Litha Ibnu Sacad wuxu ganacsan jiray Malabka , markii ay dekedda ugu soo xidhatay dooni u siday  foostooyin Malab ah, ayay islaan da’ ahi oo sidata weel aad u yari weydiistay inuu uga buuxiyo weelkii yar ee ay sidatay Malabka, laakiin wuu diiday. Islaanta oo murugysan ayaa iska tagtay.

Ibnu Sacad ayaa amray ninkii la shaqaynayay inuu soo ogaado guriga islaantan , ka dibna uu u qaado Foosto malab ah.  Kaaliyaha ayaa aad ula yaabay waxaana u ku yidhi “ Mudane waxay ka codsatay inaad weel yar wax ugu shubto waana aad u diiday, imikana waxaad leedahay foosto u buuxda u qaad waa sidee arinkaagu ?”

Ibnu Saciid ayaa ugu jawaabay:“Iyadu waxay wax igu weydiisatay weelkii ay heli karaysay ee awoodeedaa ahaa, aniguna waxaan wax ku siinayaa weelkii aan heli karayay ee awoodayda ah” .   Waa akhlaaqada kuwa fahmay sadaqada iyo wanaageeda. “ Hadduu ogaan lahaa kan wax bixiya in sadaqadiisu ay ku dhaday gacanta Allah (sw)  ka hor intii aanay gaadhin gacanta ka baahan , faraxadiisu waxay ka badan lahayd, kan la siiyay farxadiisa”.

(Kitaabka Faa’iidooyinka Sadqada  Page 17, 18,19)

 

Leave a Reply