Amaanta iyo Dhaliisha Dadka!

0
346

Ninka caqli badan ayaa doonayay inuu baro casharo wiilkiisa, ka dibna isga iyo wiilkiisu waxay suuqa u kaxaysteen dameerkooda iyagoo fuushan, dadkii oo dhan ayaa soo wada eegay oo lahaa waa maxay kuwan aan naxariist lahayn ee Dameerka wada saarani ?

Odayga ayaa ka degay oo wiilkiisa ku yidhi adigu iska fuushanow. Haddana mar kale ayay dadkii yidhaahdeen” Muxu ahaa wiilkan aan naxariista lahayn ee Aabihii Dameerka ku wado. Wiilkii ayuu ku yidhi soo deg aniga koraye.  Markaasay haddana dadkii yidhaahdeen“ Waa maxay  Odaygan wiilkiisa yar dhibayay ee isagoo xoog dameerka fuushan!

Wiilkii ayuu ku yidhi soo deg,.. ka dibn labadoodii iyo Dameerki way lugeeyen.. hadana dadkii waxay yidhaahdeen:“Maanta iyadoo Cadceedu kulul ayay haddana iyagoo dameer haysta lugaynaya, caqli xumaa labdani maxay u fuuli waayeen ?”.

Odayga oo cashar siinayay wiilkiisa ayaa ku yidhi : “ Weligaa ha isku deyin inaad dadka wada raali geliso oo aad wada qanciso, laakiin wixii aad wanaag u aragto ku dhaqaaq, waayo mar kasta waxa jiraya kuwo ku dhaliilaya.”. Kuwa dhaliisha sameeyay waxay ogaadaan arrin kasta wakhti danbe. Dadka dhan raali geli hadaad is tidhaana waad fashilmaysaa.

Leave a Reply