Hay’adda HAVOYACO Oo U Dabaal-degtay Sodonguuradda Ka Soo Waraagtay Markii La Aasaasay

0
300

Hargaysa (Dawan): Hay’adda waddaniga ah ee HAVOYCO ayaa u daal-degtay sanad guuradeedii sodonaad ee markii la aasaasay sanadkii 1992-kii.

Munaasibaad balaadhan oo lagu xusayay dabaal degaasi oo shalay lagu qabtay magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin uu ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida golaha wasiirrada Somaliland, siyaasiyiin, aqoon yahano, dhalinyaro, iyo haween.

Sidoo kale waxaa xafladaasi lagu soo casuumay danjireyaal ka kala socday dalalka Taiwan, iyo Jabuuti, Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, iyo madaxda, iyo maamulka haayadda HAVOYACO, iyo xubno ka mida aasaaseyaashii haayadaasi.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi lagu soo casuumay masuuliyiin ka socday shirkadaha waaweyn ee Somaliland ka hawl galla oo ay mid ahayd Telesom, iyo shirkaddo kale.

Hay’adda waddaniga ah ee HAVOYACO oo la aasaasay sanadkii 1992-kii, oo aasaaseen dhalinyarro mutdawiciin reer Somaliland ayaa mudadda ay jirtay waxay ku tallaabsatay horumar balaadhan oo dhinacyo badan leh.

Waxaanay haayadu hadda ka hawl gashaa dhamaanba goboladda Somaliland iyo dalalka Ethiopia, gaar ahaana dawlad degaanka Soomaalida, iyo dalalka kale ee Somaliland la jaarka ah qaarkood.

HAVOYOCO oo ka shaqaysa arrimaha bulshadda ayaa mudadda ay jirtay waxay soo saartay oo ka faa’iidaystay boqolaal dhalinyaro ah.

Waxaanay dhamaanba madaxdii iyo masuuliyiintii ka hadlay xafladaasi ay qireen in haayadu ay horumar aad u balaadha ku talaabsatay.

Geesta kale munaasibada loogu dabaal degayo xuska HAVOYACO oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa qaybta labaad ee xuskaasi waxaa maanta lagu qaban doonaa xarunta dhaqanka ee magaaladda Hargaysa.

Leave a Reply