Madaxweynaha waxa ka go’an inuu Wadadda Balligubadle wax ka Qabto,” Wasiir Dr. Ciise

0
342

Hargeysa-(Dawan):- Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha JSL diyaar u yahay maalgelinta wadadda Balli-gubadle.

Dr. Ciise oo shalay ka hadlayey munaasibad lagu dhagax-dhigay Ceel iyo daam miisaaniyadda qaranka laga maalgelinayo oo ka dhacday magaalada Balligubadle ayaa bulshada uugu baaqay inay nabadgelyadda dalkooda ilaashadaan,

“Aduunyada waxaynu ka iibinaa nabad, kala-dambayn, is-maqal iyo sarreynta sharciga.

Waxuu sheegay in gobolka Hawd ku yaalo meel xuduud ah, waxa u dan ah waddo wanaagsan oo isku xidha Somaliland iyo dalka Itoobiya, oo horumarisa wax-is-weydaarsiga labada dal.

“Madaxweynaha waxa ka go’an inuu wadadda Balligubadle wax ka qabto, waanu u soo jeedaa gobolka Hawd.

Dr. Ciise ayaa sheegay in gobolka Hawd aanu keliya ahayn hoygii halganka, balse, sidoo kale yahay hoygii nabada. Aduunyada waxaan ka iibiyo waa nabadgelyo iyo degenaansho, hadaanay jirin kala-dambayn iyo dawlad sharci ku socota Khalkhal ayey dhamaanteen inna gelinaysaa.

 

Leave a Reply