Tirada Muwaadiniinta la Shaqaaleeyey iyo Adeegyadii Bulshada ee Dalka laga fuliyey 2021

0
299

Hargeysa-(Dawan):- xukuumada Somaliland ayaa shaaca ka qaadday in muwaadiniin tiradoodu qaadhayso laba kun, todoba boqol iyo todoba iyo konton qof in shaqaalayn loo sameeyey sannad-miisaaniyadeedkii dhammaaday ee 2021.

Warbixin kooban oo lagu shaaciyey waxqabadkii adeegyadda bulshada ee xukuumaddu fulisay sannadkii dhammaaday ayaa lagu sheegay in dhaqaale gaadhaya 13 milyan oo dollar maalgelin loogu sameeyey muwaadiniinta dalka.

Dhismayaasha cusub ee Wasaaradaha iyo  hay’adaha madaxbannaan looga hirgeliyey dhammaan gobolada dalka iyo kuwa la dacaytiray, ayaa lagu sheegay inay gaadhayaan boqol iyo kow iyo toban dhisme cusub iyo 45 dayactir lagu sameeyey.

Waxqabadka xukuumadda oo muhiimada koowaad lagu saarayey adeegyada helitaanka biyaha ayaa lagu sheegay in ceelal cusub oo gaadhaya saddex iyo sideetan la qoday guud ahaan goboladda dalka, sidoo kalena balliyo cusub oo gaadhaya labaatan la qoday.

Mashaariicda kala duwan ee adeegyadda bulshada ee sannadkii dhamaaday  oon intan ku koobnayn, isla markaana dhamaantood laga maalgeliyey dhaqaalahii laga uruuriyey cashuurtii bulshada, ayey xukuumaddu ku guulaysatay fulintooda xilli dhaqaalaha wadamadda caalamka oo dalkeenu qeyb ka yahay waajahayeen culaysyo kala duwan oo dagaalo, xanuunka caabuqa COVID iyo sicir-barar dhinaca maceeshadu sanadkii saddexaad oo xidhiidh ah caalamku uu ku jiro.

 

Leave a Reply