Waa Awood Aqoontu !

0
851

Dhanka nolosheenna maanta waxa ka jira tartan xooggan; adiguna tartankaas ayaad badhtanka ugu jirtaa. Su’aasha kali ahi waa adiga oo doonaya in aad guuleysato ama in aad guuldaraysato; taasina adiga ayey kuu taallaa. Halka shay ee aan kaa caawin karaa waa: dadka intiisa badani kuma baraarugsana in ay tartan ku jiraan. Kaliya waa kuwo laafyoonaya oo taxtaxaash ku jira. Ma aha kuwo fahansan sida dunideenna maantu ay xasaasiga u tahay; mana rumaysna sida ay muhiim u tahay in la guuleystaa.

Waxa jirta sheeko aynu Bariga Afrika ka soo qaadanay oo dhacdada kore inoo bayaamin doonta. Subax kasta dhul daaqsimeedka Serengeti ee Afrika, deeradu waa ay ka toostaa iyada oo maanka ku haysa in badbaadadeedu ay ku xidhan tahay iyada oo libaaxa ka dheeraysa, waa in ay orodaa itaalkeed haddii ay dooneyso in ay bedbaado. Sidoo kale libaaxu subax kasta waxa uu ka toosaa dhul daaqsimeedka Serengeti, isaga oo maanka ku haya in nolol maalmeedkiisu uu ku jiro isaga oo ka dheereeya deerada ugu orodka gaaban, waa in uu ka dheereeyo deerada ugu orodka gaaban haddii uu doonayo maalintaas in uu hilib cuno. Nuxurka sheekadu waxa uu daaran yahay adiga oo isu arkaya sida libaaxa ama deerada, marka ay cadceedu soo baxdo, waxa aad u fiican in aad orodo.

Inta la og yahay taariikhda, bani’aadamku in uu laba saban oo kala fog—sida sabankii beeralayda iyo sabankii warshadaha— isaga kala gudbaa waxa ay ku qaadatay lix kun oo sanadood; waxana sabanka warshaduhu uu si rasmi ah u bilaabmay 1815-kii. 1950-kii, aqlabiyad ahaan shaqaalaha wadamada hore u maray waxay ahaayeen shaqaalaha warshadaha ka hawl gala. Laakiin 1960-kii, sabankii warshaduhu wuu dhammaaday; waxana bilaabmay saban kale. Waxa loo gudbay sabankii adeegga.

Dabayaaqadii 1980-kii, labaatan sanno uun dabadeed, waxa laga gudbay sabankii adeegga; waxana loo gudbay sabankii xogta.

Bal sawiro isbedalada kala duwan ee dunida ka dhacay! Lixkun oo sanno kadib waxa laga soo gudbay sabankii beeraha; waxana loo gudbay sabankii wershadaha; 150 sanno kadibna waxa looga sii gudbay sabankii adeegga, 20 sanno kadibna waxa looga sii gudbay sabankii xogta; imikana waxa aynu ku jirnaa sabankii isgaadhsiinta.

Waxa aynu ka soo guurnay awoodda muruqa una soo guurnay awoodda maskaxda, waxa aynu ka soo guurnay awoodda  caadifad talinta; una soo guurnay awoodda caqli talinta. Ilaa gebagebada noloshaada, inta garasho iyo aqoon aad ku salayso ee shaqadaada iyo awoodda aad kula xidhiidhaa, gebi ahaanba waxa ay go’aamin doontaa qiimaha waxa aad qabato, xadiga lacageed ee aad kasbato iyo guud ahaan qiimaha noloshaada. Si aynu taas u bayaamino, aynu soo qaadanno aragtida darafka guuleysanaya.

Aragtida darafka guuleysanayaa waa mid kamida afkaarihii ugu muhiimsanaa ee qarnigii labaatanaad. Aragtidani waxa ay odhaneysaa, “Farqiyada yar yar u dhexeeya aqoonta iyo awooddu waxa ay horseedaan kala duwanaansho aad u badan oo dhanka natiijada ah. Tusaale yar oo kooban: haddii faras uu faras kale tartan la galo oo uu sanka inyar la dhaafo faraskii isaga ku soo xigay, waxa uu ka guuleystay toban jeer. Taasi ma waxa looga jeedaa faraska kale wuxuu ka dhakhso badan yahay toban jeer? Maya. Sanka ama fuqa ayuu inyar la dhaafay; taasina waxa loo turjumaa in uu toban jeer ku guuleystay abaalmarinta lacagta.

Tusaale kale haddii aynu soo qaadano, qayb yar oo xog ah oo shirkadaadu ay haysato oo laga yaabo in ay ka maqan tahay shirkada kale ee loolanka kugula jirta, ayaa kuu horseedi karaysa in aad noqoto darafka guuleysanaya ee adeegga lagu tartamayo.

Haddii aad dooneyso in aad noqoto qof nasiib leh, waa in aanad weligaa hilmaamin in mustaqbalku uu u sugnaaday kuwa kartida iyo aqoonta leh. Mustaqbalku umuu sugnaanin kaliya kuwa raba in ay yeeshaan saamayn fiican, kuwa daacadda ah ama kuwa sida dhifka ah ugu hanweyn in ay himilo xaqiijiyaan. Mustaqbalku wuxuu u sugnaaday kuwa aad ugu wanaagsan waxa ay ka shaqeeyaan. Mustaqbalku wuxuu u sugnaaday dadka leh aqoon fiican oo ku saabsan sida wax looga midho dhaliyo. Iyo weliba kuwa maalin kasta wax ku sii dara aasaaskooda aqooneed.

Waxa jirta odhaah guun ah oo tidhaahda, “Taajirku wuu sii taajiraa, laakiin saboolku wuu sii saboolaa.” Si kastaba ha ahaato’e, maanta tartan uma dhaxeeyo kuwa wax farobadan haysta iyo kuwa wax yar haysta midna. Tartanku waxa uu u dhexeeyaa kuwa yaqaana wax badan iyo kuwa yaqaana wax yar. Kala duwanaanshaha ugu muhiimsan dhanka dakhliga ee dadka dunidan guudkeeda saarani inta badan waa mid u dhaxeeya kuwa si joogto ah u kobciya heerarkooda aqooneed iyo xirfadeed iyo kuwa aan kobcinin.

Si aad dhakhso hore ugu dhaqaaqdo, gaar ahaan noloshaada maaliyadeed, xusuuso in aad wax badan kasbato, waxa aad baran doontaa wax faro badan. Waa in aad wada isticmaasho xadiga aqooneed iyo xirfadeed ee maanta aad haysato. Meesha lama dhaafaanka ah ee aanad ka gudbaynin adaa og. Haddii aad dooneyso in aad sii laban laabto dakhligaaga iyo awoodaada kasbashada, waa in aad barato macluumaad, afkaar, iyo xirfado cusub oo aad u adeegsan karto shaqadaada si aad qiime dheeraad ah ugu kordhiso shirkadaada iyo macmiilkaagaba.

Badiba waxa la sheegaa in aqoontu ay tahay awood, laakiin xaqiiqadu waxay tahay, kaliya aqoonta la adeegsado ayaa awood ah. Kaliya aqoonta looga faa’iidaysan karo in ay dheef abuurto ee uu qof maal ku bixin doonaa waa awood, marka loo eego xaalada dhaqaale ee maanta.

Sidee ayaad u heli kartaa qiimaha qayb cusub oo aqoon ah? Way fududay. Aqoonta qiimaha lihi waxay kordhisaa awoodaada ah in aad saamayn ku yeelato dadka kale. Aqoonta bilaa qiimaha ahi se waa wax ma tarto. Waxa jira xadiyo aqooneed oo aad u badan oo lagu barto jaamacadaha taas oo gebi ahaanba run ah, laakiin gebi ahaanba lama adeegsadaan ah marka loo eego waaqica dunida, maxaa yeelay looma turjumi karo qiime uu qof maal gelin karayo.

Mid kamid ah dhibaatooyinka soo waajahaya ardayda jaamacaduhu waa iyaga oo inta badan ka naxa, dareen ah in ay sadex ama afar sano soo  baranaayeen maadooyin iyaga mooyee aanay cid kale siinin wax ahmiyad ah. Ma jiro qof shaqaale ah oo doonaya in uu maal ku bixiyo maadooyinkaas, sida degree ku saabsan cilmiga “Archeology ama Anthropology”. Tani waa sababta boqolkiiba sideetan ardayda jaamacaduhu ay ugu war helaan iyaga oo ka shaqaynaya meel ka baxsan aqoontii ay soo barteen, marka ay laba sanno ka soo maqan yihiin jaamacadda.

Inta ugu badan ee dadku, guud ahaan kuma baraarugsana koobnaanta aqoonta ay haystaan iyo in aqoon kasta oo maadi ah oo ay haystaan ay noqoneyso mid sii duugawda maalin kasta oo waa’ ka baryoba. Waxay ku bixiyaan wakhti badan dad barasho iyo shirshir wakhtiga dilaya oo ay ka wadaan guriga iyo goobaha shaqo, sidoo kale waxay wakhti ku bixiyaan daawashada telefishanka; waxana guud ahaan ay u nool yihiin si yar oo basiid ah.

Si kastaba ha ahaato’e, tirada aadka u yar ee soo jeedda sidaada, ee ka warqabta in aynu tartan ugu jirno kasbashada aqoonta ina horumarineysa, ayaa ah darafka maaliyad ahaan guuleysanaya.

Si joogto ah ayaad kor ugu qaadi kartaa shaqada aad qabato adiga oo si joogto ah u kordhinaya dheerida qotada aqoontaada iyo xirfadaada; mana jiri doono xad ku celiyaa.

Hadii aad dooneyso in aad ogaato inta dhisme gancsi dhererkiisu kor u fidsan yahay, hoos u eeg inta joog ahaan dhismahaas uu sees dhigiisu dhulka ka hooseeyo. Dhismaha seeskiisu inta uu dhulka oogadiisa ka hooseeyo ayaa go’aamisa inta dabaq ee la sii dul dhigi doono. Laakiin marka uu dhismuhu dhammays noqdo, dhisayaashu awood uma laha in ay 10 ama 20 dabaq oo kale kusii daraan intii uu hore u ahaa, haddiiba ay damcaan qotada seeska hoose in ay wax ku sii daraan. Taasi ma aha suurto gal; waana in la dumiyo oo dib loo soo bilaabo dhismaha. Sidaasi darteed, dhererka dhismaha waxa jaan goysa, qotada asalka ah ee sees dhiga hore.

Taa mid lamida ayaad samayn kartaa, laakiin waxa jira farqi aad u weyn. Waxay noloshaadu kor u kici doontaa ilaa heerka hadba qotada sees dhigeedu ku dhisan yahay aqoon iyo xirfad wax tar leh. Aan ahayn sida dhismaha, adigu si joogto ah ayaad u dheerayn kartaa qotada sees dhiga noloshaada, laakiin wax ka beddal nooca habka aad u fekerto.

Nooca habka aad u fekerto waxa xadiddaysa aqoon si joogto ah barashadeeda loo laasimay. Mar kasta oo si aad ah aad maskaxdaada ugu quudiso aqoon cusub, aragtiyo cusub, afkaaro cusub iyo warbixinno cusub; maskaxdaadu waxa ay noqotaa mid sida birlabta wax u soo jiidata. Intaa kadib, noloshaada waxaad u soo dabaali doontaa dhammaan nooc kasta oo fursado wanaagsan ah, si aad u adeegsato awoodahaaga ilaa heerka ugu sarreeya ee aad ku hanan karayso in badan oo ahdaaftaada kamid ah.

Sidaasi darteed, waa halkee meesha aad ka helayso buugaagtii ugu dambaysay, si aad u horumariso darafka guuleysanaya ee aqoontaada? Jawaabtu way fududahay. Raadso naadiyada kala duwan ee buugaagta iibiya, kuwaas oo inta badan lagu soo xayeysiiyo wargeysyada iyo magaazaanada ganacsiga. Iibso buugaagta ay soo bandhigaan, hana ku nicin qiimaha dusha lagaga qoray ee ku iibso lacag kasta oo lagaaga iibiyo, sababta oo ah ma saadaalin karaysid lacagta buugaasi uu ku siin doono marka aad akhrido idil ahaantii. Wakhti kooban gudihii, waxaad ahaan doontaa mid kamida dadka ugu xog-ogaalsan xag aqooneed ee dadka dhigaaga ah.

Dariiqadda ugu fiican ee aad ku helayso waxa aad akhriyeyso hadaan kuu sheego, waa adiga oo dadka ugu horumarsan ee kula heerka ah weydiiya, waxa inta badan ay akhriyaan. Buugaagtee iyo magaazaanadee ayey akhrintooda ku raaxaystaan; ayna jecel yihiin mar walba in ay akhriyaan? Marka loo eego xeerka sababta iyo natiijada, haddii aad akhrido waxa dadka ugu wanaagsani ay akhriyaan, waxa aad si dhakhso badan u ogaan doontaa waxa dadka ugu wanaagsani ay ogyihiin. Markaasi kaddib, waxa aad hore u marin doontaa darafka guuleysanaya ee aqoontaada.

Ugu dambayn, maadaama oo ciwaanka maqaalkeenani yahay “Waa Awood Aqoontu”, sidee ugu macquulsan ee aad kor ugu qaadi karaysaa, darafka guulaysanaya ee aqoonta waxtarka kuu leh?

Mid kamida waxyaabaha ugu muhiimsan ee sabankeenan macluumaadka oo aad ku higsan karayso dadka kaa horreeya ee hadana kula heerka ahi, waa adiga oo dalbada in lagu siiyo talo iyo macluumaad. Ka dalbo dadka hore u maray in ay ku siiyaan tallooyin muhiim ah oo ku aaddan buugaagta, barmaamijyada maqalka ah iyo koorsooyinka hore kuu marinaya. Weydii su’aallo, si aad uga hesho jawaabo xal u noqda dhibaatooyinkaaga. Hal fikrad oo wanaagsan oo aad ka hesho qof kula aqoon ah laakiin kaa dedaal badani waxay kuu bedbaadin doontaa todobaadyo iyo billo aad u badan oo aad tacab mudan lahayd iyo xaddi lacageed oo aad u badan oo kaa khasaari lahaa.

 

 

Qore: Maxamed C/Kariim Axmed (Shiil)

Leave a Reply