Xamaas ayaa la sheegay inay diiday soo jeedinta Israa’iil ee xabbad-joojinta lix toddobaad ah ee Gaza, taas oo ku baaqaysa in kooxda hubaysan ay ka tanaasulaan hubkooda.
Sarkaal sare oo falastiiniyiin ah oo aqoon u leh wadahadalada ayaa sheegay in qorshuhu aanu ballan qaad muhiim ah siinayn Xamaas sida in la joojiyo dagaalka iyo in ay Isreal ka baxayso dhulka ay qabsatay, waxayse ka dalbanayaan in ay sii daayaan kala badh la haystayaasha nool ee ay gacanta ku hayaan.Waxay ku soo beegmaysaa iyada oo Israa’iil ay sii waddo duullaanka milateri ee ay ku hayso Qaza.
Waardiye ayaa ku dhintay sagaal qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar cirka ah oo lagu qaaday isbitaal ku yaala Khan Younis, isbitaalka ayaa sheegay. Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaan isla markiiba ka hadlin.
Hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa dhanka kale ka digtay in “xaaladda bini’aadantinimo ee Gaza ay hadda u badan tahay inay tahay tii ugu darneyd ee soo marta 18-kii bilood ee la soo dhaafay tan iyo markii ay bilowdeen colaadaha”.
Lix toddobaad ayaa laga joogaa markii Israa’iil ay ogolaatay in wax kasta oo sahay ah la soo galiyo dhulka falastiiniyiinta – illaa hadda wax soo galay oo ay ogolaatay ma jiro.
Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa si adag u beeniyay sheegashada Israa’iil ee ah in ay jirto cunto ku filan Gaza oo socon doonta muddo dheer waxayna soo jeedinayaan in xannibaadda ay jabin karto sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in xannibaadda sahayda looga golleeyahay in lagu cadaadiyo Xamaas in ay sii daayaan la haystayaasha iyo in la kordhiyo xabbad joojinta oo dhacaysay 1-da Maarso.
Isla mar ahaantaana, xafiiska arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay wuxuu yidhi: “La-hawlgalayaasha goobta jooga waxay soo sheegeen weerarro badan oo sababay khasaarooyin rayid ah iyo burburka qaar ka mid ah kaabayaasha haray ee loo baahan yahay si dadka loo sii noolaado.”
Israa’iil ayaa la sheegay inay u gudbisay hindise xabbad-joojineedkii ugu dambeeyay ee dhexdhexaadinta gobolka dabayaaqadii todobaadkii hore, maalmo uun ka dib markii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu Washington kula kulmay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Wafdi ka socday Xamaas oo uu hogaaminayay madaxa wada xaajoodka Khalil al-Hayya ayaa markaas la kulmay saraakiisha sirdoonka Masar ee Qaahira.
Sarkaal sare oo Falastiini ah ayaa BBC-da u sheegay: “Soo jeedinta Israa’iil ee loo gudbiyay dhaqdhaqaaqa iyada oo loo sii marayo Masar waxay si cad ugu baaqday in Xamaas hub ka dhigis lagu sameeyo iyada oo aanay Israa’iil ka go’an in ay dagaalka soo afjarto ama ay ka baxdo Gaza.
Waxaa la fahamsan yahay inay tahay markii ugu horreysay oo Israa’iil ay ku darto hub ka dhigista Xamaas oo ay shuruud uga dhigayso horumarinta xabbad-joojinta – khad cas oo kooxda ah.
Mas’uulkan Falastiiniga ah ayaa ku eedeeyay Israa’iil in ay muddo hakad ku jirtay, oo ay doonaysay oo kaliya in ay soo saarto la haystayaasha inta ay sii dheeraynayso dagaalka.
Waxaa la rumeysan yahay in 59 la haystayaal ay ku hadhsan yihiin Qaza, kuwaas oo 24 ka mid ah ay nool yihiin.
La haystayaashii dhawaan la sii daayay ayaa la xidhiidha inta la haysto iyaga oo ku jira xaalad aad u xun oo dhulka hoostiisa ah. Qaar ayaa xaaladooda caafimaad liidataa iyada oo dhaawacyo aan la daweynin.
Xamaas ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay soo celiso dhammaan maxaabiista, si ay u dhammaato colaadda iyo in Israa’iil ay si buuxda uga baxdo Qaza.