Haddaan ka bilaabo xusidda mahadhooyinka Soomaalida, Abwaan Cali Jaamac Haabiil ayaa ka mid ahaa Gabayaagii Soomaaliyeed ee tiriyey Gabayada kuwa ugu caansan mid ka mid ah xagga baroordiiqda. Wuxuu yidhi Abitkii rag waa goi-jiray tanise waa gaw eh, asaga oo ka tiiraanyaysan geerida nin madax-dhaqameeda. Midda kale mahadhooyinka Aadamahu way badanyhiine, Markii Christopher Columbus soo sahamiyey Qaarada America warkiina la maqlay ayaa aqoon-yahanno badani ka yidhaahdeen sidan: Waxaa innooga fiicnaan lahayd asaga oo soo sahamiya qofka Aadamaha ah maskaxdiisa muggeeda iyo inta ay dhan tahay. Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi, ma ahayn qof caadi ah ee wuxuu ku bannaana oo la awood ahaa maskaxda Faylasuuf ka mid ah kuwa ugu hal-abuurka badan ee waayahan ka jirey Adduun-waynaha.
Haddaba si loo garto ujeedada qoraalkan, aan wax yar ka iftiimiyo, waydiinta ah, muxuu yahay Faylasuufku macnihiisu, muxuuse ka dhashaa; Waxay aqoon-yahannadu isla wada oggolyahiin in Falsafadu tahay waxa loo yaqaan YAABKA ama AMANKAAGA la xidhiidha marka qofka Aadamaha ahi uu dunida yimaado, oo uu uurka hooyada ka soo baxo, arrintaas oo keenta oohin badan. Oohintaasi waa Yaab iyo Wer-wer isku dheehan. Uurka hooyadu waa meel ammaan ah, laakiin marka qofku ka soo baxo waxuu dareemayaa in uu yimid duni aan ammaan ahayn, arrintaas oo qofka ku ridda yaab iyo wer-wer. Faylasuufku waa qofka yaabka ku dara u fiirsasho waxa hareerihiisa ka dhacaya iyo in uu wax-welba isdul taago, oo su’aalo iska weydiiyo, ka dibna wax ka korodhsado, markaasna ka sameeya sawir ama suurad, taas oo uu dadka ugu soo gudbiyo qoraal ama suugaan.
HADRAAWI iyo DULMI-DIIDNIMADA: Abwaan Hadraawi ALLE ha u naxariistee dulmiga iyo tacadiga wuxuu ku macneeyey una soo ban dhigay qaab falsafadaysan, taas oo ah in dulmigii asaga ku dhacay iyo xadigii uu u arkay mid ku dhacay dhammaan ummadda oo dhan. Taasi waxay ku tusinaysaa Hadraawi in uu ahaa qof ka ballaadhan naftiisa, qoyskiisa, qabiilkiisa iyo xataa ummadda uu ka dhashay oo gaadhsiisan aragti ahaan Adduun-weynaha oo dhan. Sidaas darteed suugaantiisu waxay u damqanaysey dhammaan Aadamaha oo dhan. Saas oo ay tahay, haddana Falsafad-nololeedka Hadraawi waxaa saldhig u ahaa dhaqanka Soomaalida, waxaana uu aad u aaminsana dhaqanka dadkiisa iyo diintiisa, taasaana saldhig u ahayd Adduun-aragiisa Caalamiga ah.
HADRAAWI iyo QIIMAHA HOOYADA: Faylasuufku waa Daahirad (phenomenon) sida wax-kasta oo adduunka jiraaba ay ugu lug leeyihiin ama ula xidhiidhaan Dahiraadaha waaweyn ee dunida jira. Faylasuufku waa qofka wax walba u arka si ka qoto dheer sida qofka caadiga ahi wax u arko oo ka ballaadhan. Waa qofka u fiirsada qoto dheerida Nolosha oo dhan, waa qofka kala sooci kara sida xaaladuhu isugu xidhanyihiin haddana u kala duwan yihiin, oo ka dibna kala soo bixi kara wax u dhigma qaanuun ama ugu yaraan Xikmad qoto dheer. Hadraawi asaga oo lix sano jir ah ayuu nolosha ku arkay Qiimaha Hooyada. Markii uu garaadsadayna wuxuu daboolka ka qaaday sida Hooyadu ay u tahay Daahirad (phenomenon). U fiirso, sheekada uu ka sheekaynayo ee Hooyada, Geela, libaaxa, iyo naf-huridda Hooyada. Gabayga qotada dheer ee Hooyada uu ka tiriyey, hadda waa Hooyo oo dhan.
ALLE ha u naxariistee HADRAAWI iyo DIMOQORAADIYAD-DOONKA: Sida uu sheegay Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Abwaan Hadraawi waxa uu u taagnaa soo saaridda shidaalka aragtida Halgankii loogu jiray is xoraynta iyo dimoqoraadiyad-doonka, kaas oo la kulmay waqti taariikhda dhaqanka Soomaalidu taagan heer qabiilnimo ama reernio, oo aan weli loo bislaan Ummadnimo. Taas oo keentay in Jabhadiihii Soomaaliyeed ee loo abuuray Halganka iska xoraynta diktaatooriyada aanay garaad u lahayn riditaankiisa mooyane waxa loo baahan yahay in la sameeyo ka dib marka dalka la xoreeyo, sidaas awgeedna ay cuskadeen aragti reernimo oo ka fog mid ummadnimo, (U fiirso sida hadda xisbiyada Somaliland ay ugu kala qoqobayaan dalka si reernima ah)