Hargeysa (Dawan):-Ururka Shacabka Somaliland ee USPP ayaa shaaciyay wakhtiga uu qabsoomi doono Shirweynaha Koobaad ee Ururkaas.
Gudddoomiye ku Xigeenka koobaad ee Ururka Shacabka Somaliland Maxamed Maxamuud Xaashi Timo ayaa sheegay in 14 Bisha 9 aad ee foodda innagu soo haysa in Shirweynaha Ururku ka qabsoomi doono Huteel Guuleed ee Magaalada Hargeysa,waxaanu tilmaamay in uu socon doono muddo labo cisho ah.
Maxamuud Xaashi Timo oo ka hadlayay qabashada Shirweynaha Ururka Shacabka,ayaa yidhi”Annaga oo tixraacayna xeer 14 iyo habraaca gudida Diwaanginta Ururada Siyaasada iyo axsaabta qaranka,waxaan halkan ku iclaaminaynaa qabashada Shirweynaha koobaad ee Ururka Shacabka Somaliland,kaas oo qabsoomi doona 14 ilaa 15 bisha 9-aad oo muddo labo cisho ah socon doona.waxaanan ogaysiinaynaa ergooyinka in shirku ka qabsoomi doona Huteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa, waxaana loo magacaabay toddoba xubnood Shirweynaha Ururka Shacabka Somaliland annaga oo ku kalsoon aqoontooda iyo kartidooda.”