Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska oo Digniin Dirtay

0
623

Hargeysa( Dawan):- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa ka digtay kala duwanaanta diraysyada ardayda isku fasalka ee dalka waxaanay caddayday in dhammaan ardayda dalka dugsiyada isku heerka ahiba in ay ku dhaqmaan wareegtadii sannadkii hore soo baxday ee lagu meel mariyay dirayska waxbarasho ee dalka.

Waxaa kale oo wasaaraddu ay ka hadashay ardayda fasalka fadhiisanaysa tirade looga baahan yahay iyo in aan laga badin karin tirada fasalka loo qorsheeyay oo ay dambi tahay haddii lagu arko tiro ka badan oo fasal wada fadhida.

 

Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude oo ka hadlayay sida aan loo aqbalayn in ay fuli waydo wareegtadii amarka wasiirka ee midaynta dirayska ardayda dalka,ayaa yidhi.“Sannad ka hor waxa soo baxday Wareegto Wasiir oo ka hadlaysay Ardayda dhigta Dugsiyada dalka ee Dugsiga Hoose dhexe iyo Sare in ay yeeshaan diraysyo kala duwan, waxaana aynu joognaa xiligii Ardayda Somaliland ka sinnaan laahayeen Dirayskaa. waxaanan farayaa  Guddoomiyeyaasha Wasaarada Waxbarashada ee heer Gobal iyo Degmo iyo heer Dugsi  in wareegtadaasi sideeda u dhaqangasho oo aan la arag Arday ku fadhiya fasalka  diraysyo kala kaan kaan ah ama kala duwan waa in dugsiyada hoose laga wada helo dirayskooda dugsiyada dhexena dirayskooda dugsiyada  sarena dirayskooda sharciga ah ee la ogol yahya.”

 

Agaasimaha guud oo ka hadlayay sida loo illaalin doono tirada ardayda fasal wada fadhiisanaysa waxaa uu yidhi.

“Waxa aynu aragnay Fasal aad u yar oo arday ka tiro badani ay  fadhiyaan,hadii laysla garto in  ay fadhiistaan fasalka  20 Arday.Sharci darro ayay noqonaysaa in 21 arday ay fadhiistaan fasalka waayo waa in nidaamku shaqeeyo.”

 

Leave a Reply