Xukuumadda Somaliland oo Iftiimisay Qodobada Sharci ee Geeddi socodka Hawlaha Doorashooyinka

0
261

Xukuumaddu waxay usoo jeedisay cid kasta oo cabasho ka qabta xeerarka doorashooyinka  in ay Dacwad u gudbiyaan Hay’addaha Garsoorka

Hargeysa(Dawan)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  iftiimisay qodobada sharci ee hannaanka geeddi socodka maamul ee hawlaha doorashada Ururrada siyaasadda iyo ansixinta asxaabta qaranka.

Waxaa kale oo ay Xukuumaddu ka hadashay nabad gelyada iyo waajibaadka sharci ee ka saran sugidda nabad gelyada dalka iyo dadka

Shirkii golaha wasiirada ee khamiistii oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi  kuna wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa sidoo kale lagaga  hadlay cid kasta oo cabasho ka qabta reerarka doorashooyinka in ay waddo sharci u maraan isla markaana u dacwoodaan hay’addaha garsoorka qaranka.

Shirkan oo ahaa kii 98-aad ee golaha wasiirrada, ayaa waxa lagu lafo-guray arrimo ay ka mid yihiin amniga dalka iyo doorashooyinka, waxaana ugu horayn goluhu  xusay in Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasaddu iyagoo raacaya xeerarka dalka u dejisan ay dhamaystireen marxaladdii koobaad ee diiwaangelinta ururada siyaasadda, taas oo ay ka soo gudbeen 15 urur siyaasadeed oo la siiyey ogolaanshaha ku meelgaadhka ah ee ay ku hawl-gelayaan.

“Sida uu sharcigu dhigayo saddexda xisbi qaran ee hadda jiraa ma gelayaan marxaladda koobaad ee ay ka soo gudbeen 15 Ururr Siyaasadeed, waxase ay xisbiyadu ka qaybgeli-doonaan tartanka doorashada xisbiyada/ururrada siyaasadda ee ay ku soo baxayaan saddexda xisbi qaran ee la siinayo shahaadada xisbinimo, taas oo ay kaga qaybgelayaan tartanka Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland”ayaa lagu yidhi warsaxaafaddeedka laga soo saaray shirka golaha Wasiirrada.

Warku wuxuu intaa ku daray in Goluhu isagoo ka duulaya arrimahaa kor ku xusan waxa uu soo saaray qodobadan:-

1,Waxa loo raacayaa arrimaha Doorashada xisbiyada/ururada, Xeerarka dalka ee ay ka mid yihiin Dastuurka, Xeerka Guud ee Doorashooyinka Xeer Lr-91/2020, Xeerka Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka Lr-14/2011 iyo qaraarkii Maxkamada Dastuurkiga ahi soo saartay.

 

  1. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo fulinaysa Lr-14/2011 qodobkiisa 6aad oo dhigaya in 10-kii sannaba hal mar loo tartamo Saddexda Xisbi Qaran ee dalku yeelanayo, waxay dhamaystirtay tallaabooyinkii sharci ee xukuumadda kaga aadanaa hawlahaa.

 

  1. Xukuumadda waxa ka go’an in lagu dhamaystiro hawlaha diiwaangelinta, kala saarista iyo doorashada xisbiyada/ururada siyaasadda wakhtiga sharcigu u cayimay, iyadoo hawlahaasina uu sharcigu u xilsaaray Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka.

 

  1. Cid kasta oo cabasho ka qabta hirgelinta xeerarka doorashooyinka waxay dacwad u gudbin karaan hay’addaha garsoorka ee u xilsaaran. Haseyeeshee Cidina xaq uma laha in ay si cunfi ah oo ka baxsan sharciga ku raadiso sida ay rabto.

 

  1. Illaalinta Amniga Qaranka, Fulinta Xeerarka iyo ka hortagga rabshaduhu waxay ka mid yihiin waajibaadka Xukuumaddu u xil-saaran-tahay.

 

  1. Golaha wasiiradu waxa uu ku bogaadinayaa ciidamada amniga ilaalinta nabadgelyada dalka ee ay heeganka u yihiin goobkasta iyo goorkasta, waxaana uu goluhu si adag uga digayaa cid kasta oo waxyeelo u geysata ama kala hortimaada ciidamada ilaalinta nabadgelyada falal lid ku ah xil gudashadooda.

 

 

 

 

 

Leave a Reply