Carlo Ancelotti oo Magacaabay Xiddiga Real Madrid u Beddelaya Karim Benzema

0
264

Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa shaaciyey ciyaartoyga u beddelaya weeraryahanka reer France ee Karim Benzema haddii uu u baahdo in la nasiyo amaba uu dhaawacmo, isaga oo dhinaca kalena mar kale ku celiyey in uu Marco Asensio doonayo inuu iskaga tago Santiago Bernabeu.

Real Madrid oo caawa marti ku ah RCDE Stadium oo ay kula soo ciyaarayso Espanyol, ayaa waxa uu sheegay in ay usoo laabteen Toni Kroos iyo Rodrygo Goes oo muddo dhaawac ku maqnaa, laakiin waxa maqan saddex ciyaartoy oo kale.

“Kroos iyo Rodrygo si fiican ayay usoo kabteen, wayna joogaan ciyaartan laakiin waxa dhaawacyo yaryar ku maqan Nacho, Vallejo iyo Odrioziola.” Ayuu yidhi Carlo Ancelotti oo dhinaca kale tilmaamay in ay ciyaar aad u adag ka filayaan Espanyol oo xilli ciyaareedkii horena ay ku dhibaatoodeen.

Intaas kaddib ayaa la weydiiyey haddii ay kooxdiisu la saxeexanayso weeraryahan cusub kaddib bixitaankii Casemiro iyo sidoo kale  Marco Asensio oo doonaya inuu iska tago, waxaanu ku jawaabay: “Rodrygo ayaa door muhiim ah ka ciyaari doona kooxda xilli ciyaareedkan. Sannadkii hore, waxa uu isbeddel ku sameeyey kulamadii uu beddelka kusoo galay, xilli ciyaareedkanse in badan ayuu kusoo bilaaban doonaa. Kaliya  uma qorshaynayno in uu garabka midig ka ciyaaro balse waxa uu dhinaca bidix  ka beddeli karaa Vinicius  Junior kulamada qaarkood, sidoo kalena waxa uu weerarka kala ciyaari karaa Benzema amaba wuu beddeli karaa. Waa weeraryahan dhamaystiran.”

Mar uu Ancelotti ka hadlayay mustaqablka Marco Asensio ayaa waxa uu yidhi: “Wax cusub kama ogi, laakiin wuxuu qiimaynayaa booskiisa, waananu sugaynaa. Wax walba waxa la kala caddayn doonaa September 2, haddii uu joogana xubin muhiim ah ayuu ka noqon doonaa kooxda. Haddii uu doonayo in uu tagana, waxa jira dookh wanaagsan oo ay kooxdu haysato, waananu qiimayn doonaa.”

Leave a Reply